|

Daawo ”Nin odey ah oo u dhashay Dalka Hindiya oo noqday Ama loo Caleema Saaray aabiha ugu da’ada weynaa aduunka”

Nin odey ah oo u dhashay dalkaas Hindiya ayaa waxaa la sheegay inuu noqday aabihii ugu da’ada weynaa aduunka oo wax dhala ama caruur dhala ka dib markii uu ninkaas cunigiisii labaad u dhashay dhawaantaan asagoo ay da’adiisuna ay tahay ilaa iyo 96 sanadood arintaas oo ay la yaaneen dad badan oo ku nool aduumka.

Ninkaan oo lagu magacaabo Ramajit Raghav oo 96 sano jir ah iyo xaaskiisa haweeneyda lagu magacaabo Shakuntala Devi oo 52 sano jir ah oo ku nool tuulada lagu magacaabo Kharkhoda ee gobolka Sonepat ee dalkaas Hindiya ayaa waxaa la sheegay inuu noqday aabaha aduunka ugu weyn ka dib markii uu dhawaantaan u dhashay wiil iyadoona uu wiilkaas yahay cunugii labaad ee qoyskaas u dhasho ka dib markii laba sano ka hor ay dhaleeln wiilkii ugu horeeyey, ninkaan oo haweeneydaan la aqal galay 12 sano ka hor ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay wiilkiisaan labaad laakiinse uusan rabin caruur dambe asagoona sheegay inuu jecel yahay inuu xaaskiisa ka xiro ilmaha si aysan wax dambe oo caruur ah aysan u dhalin islamarkaana uu siduu doono uu ugu raaxaysan karo asagoon ka wel waleyn inay wax uur ah ay qaado.Ugu dambeyn ninkaan oo sida uu sheegay ay arintaan u suuro galisay nolosha caafimaadka ah ee uu ku nool yahay asagoona sheegay inuu ka kaco hurdada 5 aroornimo oo uuna seexdo habeenkii 8 fiidnimo inya u dhaxeysana uu ku mashquulsan yahay shaqadiisa laakiinse uu casarkii saacad ama laba saacadood uu yara seexdo oo uu indho gaduudsado, ninkaan ayaa sidoo kale sheegay inuu cuno qudaar kala duwan caanahana uu cabo laakiinse uusan waligiis u dhawaanin wax hilib ah iyo qamriga iyo muqaadaraadka noockastaba, Laakiin sheegashada ninkaas ee inuu yahay aabaha caruurtaas ayaa waxaa shaki ka muujiyey qaar ka mid ah dadka degaanka iyadoona sida ay sheegeen qoys la deris ah ninkaas odeyga ah ay adag tahay in la aqbalo in qof da’adaas jira inuu noqdo aabe wali wax dhalaayo.

Xafiiska Wararka Qurbojoog.com

uk London

Comments are closed