DAAWO Kulankii Dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Ra’isal wasaaraha Turkiga
Ankara 02 Oct 2013 (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayay ayaa waxaa maanta hab maamuus dhamaystiran oo dawladeed u sameeyay Ra’isal wasaaraha Wadanka Turkiga Rajab Dayib Ordugan .
Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay kala xaajoodeen Ra’isal wasaare Rajab Dayib arrimo badan oo taabanaya Xidhiidhka labada dal sidii loo sii Xoojin lahaa waxaa kale oo ay isla soo qaadeen sidii ay Dawlada Turkigu kaalin Mug leh uga qaadan lahayd kaabayaasha arrimaha bulshada ee Somaliland isagoo damaanadqaaday inay Gacan Muuqata ka siin doonaan Somaliland waxyaabaha ay gacan qabashada uga baahan tahay .
Ankara SDN.
Qurbejoog.com