Daawo: Hoggaamiyihii Hore Ee Al-shabaabta Buuraha Gal-gala Oo Magan-galyo Ka Helay Dalka Qatar
Muqdisho – Sheekh Maxamed Saciid Atam oo kamid ahaa Horjoogayaashii ka goostay Kooxda Al-shabaab ayaa magangalyo ka helay Dowlada Qadar oo saaxiib la ah Dowlada Somalia.
Maxamed Saciid Atam ayaa Kooxda Alshabaab ka baxay dhex bartankii sanadkii 2014-ka, waxa uuna hada ku sugan yahay dalka Qadar oo uu aaday bishii hore.
Atam ayaa mar kale sheegay inuusan xubin ka aheyn Kooxda Alshabaab islamarkaana uu xili hore isaga baxay isaga oo isku soo dhiibay Dowlada Somalia.
Atam ayaa Kooxda Alshabaab wakiil uga ahaa Buuraaleyda Galgala, oo sanadkii 2012 ku biiray Al-Shabaab ayaa u duulay magaalada Doxa dhamaadkii bishii hore.
Wararka ayaa intaa ku daraya in magangalyada uu ka helay Qatar ay qeyb ka aheyd heshiis horay loola galay, markii uu dowladda isu soo dhiibay.