Daawo : Dildilaacii Xukuumada Siilaanyo oo Kowsadey iyo Ururadii Bulshada ee Taageerijirey oo Qaar ku biireen Xisbiga Mucaaridka ee UCID
Berbera May 23/2014(SDN/Rmedia) Dildilaacii iyo ka digo rogashadii xukuumada Siilaanyo ayaa ka bilaabmay qaybo kamida qaarada yurub iyo gobolada dalka ee Somaliland kuwaas oo ah Ururadii bulshada ee horaba taageerada buuxda siiyey madaxweynaha Somaliland ee Talada haya ee Axmed Siilaanyo iyo Xukuumadiisa oo noqotey mid shacbiga Somaliland ku hungoobeen taas oo taagan halkii ay dadku 5 sano kohor sidan ugu diga rogtey badalida xukuumadii Riyaale .
Marwada Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan socdaal qarsoodi kaga soo duushay dalkii kuna soo gaadhay magaalada London ee dalkan Ingiriiska,iyada oo ujeeddada socdaalkeedu ku saabsanaa dhowr qodob oo ka ugu muhiimsani la xidhiidho sidii ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo taageero uga heli lahayd haweenka beelaha Ciise Muuse ee ku sugan dalka Ingiriiska oo dhowaan taageero ballaadhan u muujiyey Murashaxa xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo todobaadkii hore magaalada London loogu sameeyey kulan ballaadhan oo isaga iyo madaxda kale soo-dhawayn ballaadhan loogu sameeyey.
Marwo Aamina Waris oo kulan casho sharaf ah oo reernimo lagu soo dhaweeyey ayaa si cad loogu sheegey in ay dhamaan Beesha uu jamaal ka soo jeedaa ay taageero buuxda Siiyeen Aqoonyahan Jamal Cali Xuseen una cadeeyeen in aaney marnaba Inta uu taaganyey aaney taageeradooda iyo gacantooda Siin karin Cidkale balse ay tahey Go’aan ay reerku ku heshiiyeen taasi oo ay utilmaameen in ay horeba Codkooda reerku usiiyeen Xukuumadii Hore ee Riyaale taasi oo ay Taageereen Madaxweyne Kuxigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin maanta ay taageerayaan Jamaal balse ay marwado ka mudantey sooryo iyo xeedhyeyn . Waxaana ay arintani noqotey go’aan cad oo ay marwo Aamina waris u naqdiyeen.
Waxaa hadaba Sitoosa ugu biirey ururka bulshada ee INTIFAAC ee degmada Madheera ee gobolka saaxil oo si la yaable ugu digo rogtey taageeradoodiina siiyey Xisbiga UCID .