|

Daahir Rayaale: “Maanta wax musharax ah oo Xisbiga UDUB uu leeyahay ma jiro, nin kasta oo murmana…”

Hargeysa, 05, June 2012 (SDN)- Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafkii soo kala dhexgalay isaga iyo ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.

Daahir Rayaale Kaahin waxa uu faahfaahin ka bixiyay qodobada khilaafka keenay oo uu sal u ahaa qodobka xeerka xisbiga ee 11.7, kaasoo uu tilmaamay inuu fasarayo qodobka ku xiga ee 11.8, waxaanu sheegay inaanu isagu marna dacwad meel u gudbin, isla markaana dacwadihii laga gudbiyay uu ka jawaabayay oo keliya.

“Xisbigu xeer buu leeyahay ninkasta oo murma aakhirka xeerkaas ayuun bay ku soo ururaysaa, Xisbigu isaga oo qaybsan ayaan imi, hawlo musharax iyo waxaasaa ayaa aasaas u ahaa khilaafka,maxkamadda go’aankeedu kama dambays ayuu ahaa, dacwadii ku-geenkaygana waa la diiday.

Waxa lagu murmay, waxaana la yidhi hebel guddoomiye maaha oo qodobka 11.7 ayaa odhanaya guddoomiyaha doorashada ugu horeysa ku guulaysan waayaa guddoomiye maaha, taas markhaati ayaa laga wada yahay inaan doorashadii u horeysay ku guulaystay 2003, qodobkaa waxa meesha ka saaray qodonka ku xiga 11.8.” ayuu yidhi Daahir Rayaale.

Waxa kale, Daahir Rayaale  baaq u diray ummada Somliland, gaar ahaan bahwaynta xisbiga UDUB, isagoo tilmaamay in xisbigu hawshiisii galayo, waxaanu carabka ku adkeeyay in isaga iyo ku-xigeenkisana uu sharciga xisbigu u dhexeeyo.

Waxaan ummada u sheegayaa uguna baaqayaa inay u codeeyaan xisbiga UDUB oo taariikh ku leh, waxaanan leeyahay maanta xisbiyadii ururo ayaa laga dhigay, markaanu ururradaas ka soo baxno ayuu xisbigu musharax yeelanayaa, maantana wax musharax ahi ma jiro,” ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee Somaliland.

SDN, Hargeisa

Comments are closed