Daahfurka Akaademiga Suugaanta ee Gaariye,Weedhihii Mucaaridka,iyo ka Maqnaanshihii Xukuumada BARNAAMIJ GAAR AH {DHAGAYSO}
Hargaysa 23,Dec 2013 (SDN) Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa lagaga dhawaaqay Akaademiga Horumarinta Afka iyo Suugaanta Soomaalida oo loogu Magac daray alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye taas oo daah furkeeda lagu qabtay Hoolka Hay’ada Shaqaalaha Dawlada .
Daahfurkan waxaa ka qayb galay Madaxda Labada Xisbi Mucaarid,Aqoon yahano,Abwaano,Qorayaal, iyo Marti Sharaf kale .
Waxaa Munaasibada lagu Shaacinayay Akaademigan aan ka Soo Xaadirin Mas’uuliyiinta Xukuumada Somaliland .
Daahfurka Akaademiga Horumarinta Afka iyo Suugaanta Soomaalida ayaa Si qoto dheer loogaga Hadlay Taariikhdii Noloshii,Halgankii,Doorkii uu ku lahaa Suugaanta iyo Qallinlayda ee Eebe ha u naxariistee Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye.
Guji Halkan oo Dhagayso Khudbadihii Akaademiga Gaariye
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/AkaademigaGaariye(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com