|

Daadifayn qoral la soo dhigay mareegyaha laguna soo suntay astaanta SSUK

London July 06,2012(SDN)-Hadaanu nahay guddida Jaaliyada Somaliland UK (SSUK), waxaanu aad uga xunahay,  inuu shakhsiga la magac baxay C/rixiin Maxed Cali Ubaxle  oo aan ahyn  shakhsi ka mid ah guddida Jaaliyada oo aanaan aqoonba u lahayn  uu si qalad ah u isticmaalay magaca iyo astaanta SSUK.  

Waxaan u sheegaynaa bulshada reer Somaliland meel kastoy joogaanba inaanay Jaaliyadu waxba ka ogayn qoraalkaa lasoo galiyay websiteyada oo titalkiiso yahay…  (Somaliland maxaa ugu jira inay Somalia marba wadan shisheeyaa ugu tagto )…. Guddida  SSUK waxay cadaynaysaa inay baree ka tahay qoraal kaa iyo wixii ku qornaa.

Haddaba waxaanu ka waaninaynaa cid kastoo waxyaabu noocaas oo kale ku kacday ama ku tala jirtaa, inay ka waantoobaan ficiladaa foosha xun, tasoo  aan sumcada Jaaliyada iyo sumcada soomalilandba midna aan waxba u dhimayn.

Jaaliyada Somaliland UK (SSUK) waxay aad u soo dhowaynaysaa wada hadalada u bilaabmay Somaliland iyo Somalia, waxaanu qabnaa inay talabadaa dhiiran ee Madaxweynaheena Mudane Ahmed Mahmoud Silaanyo iyo xukuumadiiso  qaaday ay u soo hoyn doonto Somaliland guulo  wax ku ool ah, oo aynu midha dhalkeedana aad ugu riyaaqi doono dhowaan haddii allah yidhaahdo.

Wa billaahi tawfiiq,

Guddida – SSUK

Comments are closed