|

Daacish Oo Gawracday Wariye Kale Oo Maraykan ah

Mousil:Sep,03,2014(SDN/QJ)-Kooxda Islaamiga ah ee Daacish, ayaa soo saaray Muuqaalo horleh oo ay ku muujinayaan wariye kale oo maraykan ah oo ay gawracayaan.

steeMuuqaalkan cusub, ayaa la mid ahaa kii Kooxda IS ay sii daayeen xilligii ay gawracayeen suxufi kale oo u dhashey dalka Maraykanka laba todobaad ka hor.

Ninka gawrcaya suxufiga ayaa si weyn ugu qaab ekaa kii laba todobaad ka hor gawrcayey James Foley, waxaana uu ku hadlaayey lahjadda Britian, in badan oo ka faaloodey Muuqaalka danbe ayaa sheegaya in ay dhici karto in gawracaagu uu isla kii hore yahay isaga oo isticmaaley “Obama I’m Back”

Ka hor inta aan la gawracin Steven Sotloff waxa uu jeediyey khudbad ay ugu tala galeen Borobogaando oo uu la hadlaayo Barack Obama, sidoo kale ninka dilka geysanaya ayaa sheegay isaga oo la hadlaaya OBAMA waan soo laabtey mar kale, waxa uu sheegey mar haddii ay ka nabad geli waayeen diyaaradihiisa in Mindiyahoodu ay ka shaqeynayaan mid kan oo kale isaga oo mindida ku fiiqaya Steven Sotloff.

Kadib marka uu gawrca dhameeyey waxa uu Kaamarada horkeenay muwaadin caddaan ah oo u dhashey dalka Britian kaas oo lagu magacaabo David Haines, waxaana uu sheegey in isagana ay dilayaan haddii la joojin waayo weerarada cirka ah ee Maraykanku ku hayo kooxda IS.

Aqalka cad ee Maraykanka looga taliyo ayaan weli caddeyn xaqiiqnimada Muuqaalkan IS sii deysey iyo goorta uu dhacay.

Steven Sotloff ayaa laga afduubtey dalka Siiriya magaalada Alepo sanadkii 2013 bishii August, waxa uu ahaa suxufi Madaxbanaan, waxaana markii u horeysey la arkey markii ururka IS ay gawracayeen suxufigii kale ee James Foley oo ay kaamarada horkeeneen iyaga oo sheegey in noloshiisu ku xidhan tahay in la joojiyo weerarka cirka ah ee Maraykanku ku hayo.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed