cutubyo ka tirsanaa jabhadda mucaaradka Suudaan ee Gobolka Kordufan ay ka soo baxsadeen jabhadaasi
Khartuum May 10,2013(SDN)-Wargayska ka soo baxa dalka Sudan ee lagu magacaabo Aakhiru-Laxda ayaa baahiyey in cutubyo ka tirsanaa jabhadda mucaaradka ah ee Gobolka Kordufan ay ka soo baxsadeen jabhadaasi.
wargaysku waxa uu maalintii arbacada ee todobaadkan daabacay in xoogagan ka soo baxay jabhadda oo ka hor yimid hogaankoodii ay warbaahinta u sheegeen in sababta ay u soo baxsadeen ay tahay ka dib markii lagu amray inay dadka eheladooda ah ka sifeeyaan deegaanada kala ah AL-RAHAD, UMMU_RAWAABBAH, iyo ABU KARSHOOLA oo dhamaantood ka tirsan gobolada Waqooyiga iyo koonfurta Kordufan.
wargaysku waxa uu leeyahay ciidamadan ka soo fakaday jabhaddu waxa ay u arkeen arrin ka dhan ah bani’aadanimada qorshayaasha jabhaddu ku hawlgelayso ee lagu gubayo tuulooyinka laguna barakicinayo dad rayid ah, taasina ay tahay midda keentay inay go’aanka noocan ah qaataan kana soo baxaan safafka ciidamada jabhadaasi. halka sidoo kalena ay dalbadeen in la sameeyo maxkamado la saaro hogaanka jabhadaasi iyo saraakiisheedaba.