|

Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland oo Gaadhay Magaalada Taleex iyo Dagaalkii oo Qaboobay DAAWO.

Taleex 23.April 2015 (SDN/QJ)-Ciidamada Qaranka ayaa Shalay Galab si rasmi ah u Gaadhay Magaalada Taleex ee Xarunta Gobolka Xaysimo kadib markii laba beelood oo Walaalo ah ay doraad Shaqaaqo Gacan ka hadal ahi ku dhex martay Deegaankaas taas oo sababtay Khasaare Dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Geesta kale Xogo ay Shabakada Qurbejoog.com ka heshay Magaalada Taleex ayaa sheegaya in haatan Xaaladu degan tahay isla markaana labadii Beelood ee Dagaalku dhex maray Mid kastaaba Fadhiisin gooni ah ku sugan tahay .

Taleex SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed