Cutubka Ilaalada Qaramada Midoobey oo Muqdisho ka howl billaabay
Muqdisho May 18,2014(SDN)-Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa maanta guddoomiyey caleema saarkii rasmiga ahaa ee Cutubka Ilaalada Qaramada Midoobay, ciidan u dhisan difaac loona xilsaaray ilaalinta shaqaalaha QM iyo dhismayaashooda Muqdisho.
Cutubka Ilaalada QM wuxuu ka koobanyahay 410 ciidan oo ay bixisay Xoogagga Difaaca Shacaka Uganda (UPDF). Cutubka Ilaalada, oo uu hogaaminayo Taliye Ugandays ah, waxaa mas’uuliyaddooda hoos imaaneysaa mas’uulka QM ugu magacaaban Soomaaliya, SRSG Kay. Cutubku waa awood sugan waxaana saldhig u noqon doona Gegida Caalamiga ah ee Muqdisho.
“Soo daabulidda Cutubka Ilaalada QM waa tallaabo muhiim ah sida aan annaguba usii wadno baahinta howlgalladeena aan ku taageereyno dadka Soomaaliyeed,” Mudane Kay ayaa ka sheegay xafladda. “Waxaan aad ugu mahad celineeynaa Uganda oo sii waddo in ay gacan ka geysato dhismaha-nabadda- iyo dalka Soomaaliya”
“Waxaan sidoo kale u mahad celineynaa inta na marti gelisay, Dowladda Federaalka ah iyo dadka Soomaaliyeed, iyo saaxiibadeenna, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo aan uga mahad celineyno taageerada ay siiyaan Cutubka Ilaalada iyo ilaalada ay siiyaan QM,” ayuu ku daray.
Cutubkan Ilaalada oo si rasmi ah u billaabay howlihiisa 15kii May 2014, waxay ka dhigantahay ka qeyb noqoshadii ugu horreysay abid ay Xoogagga Difaaca Shacabka Uganda ka qayb noqdaan xarumaha howlgallada QM.
“Dowladda Uganda waxaa ka go’an in ay ku taageerto walaaleheena Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan gaarista nabad waatra” ayuu yiri Sarreeye Guud Charles Angina, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee ka tirsan Xoogagga Difaaca Shacabka Uganda. “Waa inoo sharaf inaan ku biirno qooyska QM, waxaan sameeyn doonnaa dadaal xoogan si loo xaqiijiyo awood ay QM howsheeda ugusii wadan karto gudaha Muqdisho jawi amaan iyo nabad ah.”
Sameynta Cutubka Ilaalada QM waxaa ansixiyey Golaha Ammaanka ee QM kadib markii Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon uu talo kusoo jeediyey daabuliddooda.
SDN/QJ-Muqdisho
contact@qurbejoog.com