|

Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal, (1936kii – 2016ka) Qaybihii 14aad iyo 15aad ee Gunaanadka Qormadan

 

Abwaan_Cali_Sugulle_Cigaal“Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,

Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,

Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,

Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,

Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,

Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-ara ggiiye,

Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,

Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,

Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,

Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,

Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,

Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,

 

Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

 

Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 

Qormada: 14aad

 

Weli waxa inoo socda maansooyinki baroor-diiqda ahaa ee laga tiriyay geeridii naxdinta lahayd ee Cali Sugulle. Tixdan gaabanna waxa geeridaa ka tiriyay Ibraahin Xaaji Muuse Wacays, waxaanu yidhi:

“Go’aan weeye lagu wada xukumay, gaanka uummane,

Geeraaan u wada taagan nahay, gedi ahaanteene,

Adduunyada rag guud jooga oo, goofay baa jira e’,

Oo camalka ay geystaan ka dhigo, qaar samaan go’y e’,

Godka adiga oo jiifa baad, nooshay gacalloowe,

Intaad gabayo nagu toosisiyo, ereyo guubaabo,

Ama gelin na haasaawisaan, gocanayaa jeere,

Waxad soo gashiyo waxad soo guddeed, gelisay Diiwaanno,

Gadaal da’aha iman waw tiriig, geedahaw sudhane,

Nuur weeye galacloon mugdigu, gibisha saaryn e’,

Gelbiskaaga duco gaar ah baan, kuu gunaanaday e’,

Jannadii ku gee Eebbahay, gogoshu kuu taalle,

Oo gedeb xijaab kaaga dadab, godadka naareed.”

 

Maansadan kale ee baroorp-diiqda ahna, waxa curiyay Maxamed Baashe Xasan. Isaga oo ka tiiraanyeysnaa geeridaa naxdinta lahaydna, wuxu yidhi:

“Damal la hadh galaa buu ahaa, duhur kaliileede,
Dugsi lagu hirtaa buu ahaa, deyro-dhaafyada e’,
Dayax noo iftiimuu ahaa, oo la daawado e’,
Dadnimada hu’geedu ahaa dabo-galkeediiye,
Xaqa daaficiisu lahaa, geyllan-dirireede,
Dabuub gabay ayuu odhan ogaa, maalintii daran e’,
Afhayeen u dooduu ahaa doorka maatida e’,
Dhaaxuu dab oog weyn leh shiday, oo xaq daakiraye,
Dhaaxuu dareen kiciyey oo, soo duwaay yidhiye,
Dhaaxuu digniin noogu daray, maanso duluc weyne,
Duug dhaxalka noo yaalla baa, loox ku daabacane,
Dugsiyada aqoontaanu dhigi, daymo bogasheede,

Waa duni habeen lagu dhaxaa, degeshigeediiye,
Dun-carbeed ka duuduubayoo, daantii kale aadye,
Dudmo ma laha geeridu hadduu, xaqu dillaacaaye,
Daaraha Jannada Eebbahay, hawga dadab yeelo,
Allahayow dariiq toosan mari, dawgii Nebigeenna, scw,
Duddo nabad ah Weynow Jannada, socod ha daanshoodo,,
Dermo gogol ah beeraha jannada, debecsanaan seexi.”

Dr. Bashiir Good oo deggen Imaaraadka ayaa isaguna ka mid ahaa dadkii maansooday geeridii Cali Sugulle. Bashiir oo qoraa, cilmi-baadhe maansayahan ah ayaa jiiftadan soo socota isaguna ka tiriyay geeridaa naxdinta lahayd, waxaanu maansadiisan baadi-sooc uga dhigay: Afkaa caano lagu qabay, waxaanu yidhi:

 

“In kastoy dhul ciiriyo,

Geerida Carceeriyo,

Dishaa wiil cimaamadan,

 

Ama caan bixii oday,

Caalim deeqa uunkiyo,

Curaddada odhaahdiyo,

Abwaan maanso curiyoo,

Ciil-tira dadkiisiyo,

Hooyo lagu cigaashaa,

Ay tahay cir soo dumay,

 

Colaadow sidaan qabo,

Nin xabaali celisaa,

Maaha wiil cadceeddiyo,

Cali Sugule oo kale,

Oo abwaanku ciid iyo,

Carro-tuul nin qariyoo,
Cidla’ lagu illooboo,
Aayar uun la cidhif maro,
Wuu ka cidhibo dheer yahay,

Ka ciraabo weyn yahay,

Wuxuu heeso curiyiyo,
Wuxuu erayo caan-baxay,

Suugaan cuddoon iyo,

Wuxu caano iyo malab,

Ceeryoonshay baa tuban,

 

Oo ciidda Soomaal,

Inta ubad carruuriyo,

Cirrolaba dul joogaan,

Afkeennuna  cammiran yahay,

Carrabkeennu dihin yahay,

Codkiisiyo dhawaqii,

Carradeenna hadhiyaan,

Cali wuu ku nool yahay,
Ceeriga dhulkeenniyo,

Carrigeenna Soomaal,

Abwaannada ku caan-baxay,

Haddaan sheego dhawr ciriq,

Oo Cali dad dheeraa,

Cidna kaga tilmaanaa,

 

Wuxu Cali dad dheeraa

Cidna kaga tilmaanaa

 

Tix u curiyay uu diray,
Oon curubo soo ridin,

Midhaheedu caan noqon,

Caleemaysan lama arag,

 

Wuxu Cali dad dheeraa,

Cidna kaga tilmaanaa,

 

Runta uu caddeeyoon,

Ceeryaamo iyo qiiq,

Cawriir la hoos gelin,

Markuu ciil dareemaba,

Iyadoo cillaan iyo,

Calankeedi wadatoo,

Cidla’ laga arkaayuu,

Tixo ay carruurtiyo,

Cawaankuba fahmaayaan,

Oo haddana culays iyo,

Caqli lagu abaydimay,

Calcalyada xareeddiyo,

Ciidda raacin jirayoo,

Duhurkiyo caweysyada,

Sida cadarka Baariis,

Carfi laysku marin jiray,
Waxa weli inoo socota maansadii baroor-diiqda ahayd ee Dr. bashiir Good, waxaanu qaybtan labaad ku yidhi:

 

Haddaan gabayga ciil iyo,

Cadho lagu bogsiinayn,

Ama maalin ciidoo,

Carcaraaf xun loo maray,

Aan lagu cimaamadin,

 

Ama caashaq iyo lool,

Dhallinyaro u ciidmayn,

Hiddo iyo ciyaar iyo,

Cashar aanu noqonayn,

Weligiiba uma curin,

Inu cuud ku raadsado,

Casho maanso uma tirin,

 

Canaan iyo tus mooyee,

Madax inu u ciidmuu,

Been ugu cidaadaa,

Caadadiisa ma ahayn,

Weligii cod quudheed,

Carrabkiisu muu odhan,
Wuxu Cali dad dheeraa,

Cidna kaga tilmaanaa,

 

Hal-abuur wax curiyoo,

Inta gabay cisaysaa,

Ka cibaaro qaatiyo,

Caynaanka maansada,

Iyo wuxu ahaa calan,

 

Cawo dhalad Ilaahay,

Dadkeenaw ugu ciidmiyo,

Carooggii afkeennee,

Cudurrada qalaad iyo,

Cayayaanka dhawrtiyo.

Ka ilaashay ceebtee,

Kuushiyo cabbaadhkiyo,

Cunnaabiga u soo xidhay,

 

Caliyow cirrooliyo,

Carruurta iyo dumarkiyo,

Cidda iyo dhirtii iyo,

Ciiddaad u oydeed,

Ilaa calan-sudhkii iyo,

Maantoy cid kale tahay,

Ood  cidhib-xumaantiyo,

Ciilkeeda dibadaha,

Cidlada ugu dhimataa,

Ciidho kuugu ooyee,

Aakhiro ku cadho beel,

Carfi iyo wanaag iyo,

Cisi lagugu sooryee,

Afkaa caano lagu qabay.

 

Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed sidaas ayaynu ku sii sagootiyaynaa innaga oo Ilaahay uga baryaynayna in qabri u nuuro oo uu Jannooyinkiisii ka waraabiyo. Ilaahay innagana dhammaanteen samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Intaa iyo in ka badan ayuu dhammaanteen ku wada lahaa, anigana si gaar ah ayuu iigu lahaa. Sidaas ayuu Cali Sugulle naftiisii qaaliga ahayd iyo waqtigiisiiba inoogu huray isaguna ku shuf-beelay. Waxaan soo xusuusta haba tuduc uu lahaa |Gaarriye oo ahaa:

 

 

“Hilinkaan iftiinshaa,

Anna ku hurushoobaa,”

 

Alleylehe Cali Sugulle ayaa sidii uu inoogu iftiiminayay isagii ku jurushoobay oo naftiisii qaaliga ahayd ku waayay. Xilka dhammaanteen saarani waa sidii aynu u ururin lahayn, u daabici lahayn, una keydin lahayn murtidii dhaxal-galka ahayd ee uu da’-yarteenna uga tegay.

 

Aynu ku soo gunaanadno taxanaheennan gaabnaa tuducan laga reebay Cali Sugulle isaga oo Faarax Nuur soo xiganayay.

 

Faarax Nuur wuxu yidhi:

 

Sidii aan ka wada deynahan, wax ugu sheegaaye,

Mar haddii aan waxaa yeela iyo, waano kala quustay,

Sow in aan dantay warriyaa, igu wanaag maaha,

 

Cali Sugullena wuxu yidhi:

 

Sidii waanadii Faarax nuur, dhego haddaan waayay,

Ka-waantoobi maayee in aan, waajibkaw sheego,

Ayaa igu wallaahiya tan iyo, waaga aakhiro,

 

Dhammaad

Comments are closed