“Cuqaashaay Haddii Aad Cadhootaan Hanna Odhaninna Airport Gaar ah baanu Dhisanaynaa, Hargeysina Airport qudha ayuun bay ….” Gudd. Muuse Biixi.
Hargeysa:May,18,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka Hadlay Dhawaaqyo dhawaan kasoo yeedhay qaar kamid ah oday-dhaqameedka Magaalada Hargeysa, kuwaas oo qaarkood sheegeen inay dhisanayaan Garoon diyaaradeed oo labaad.
Guddoomiye Muuse Biixi oo ka Hadlayey Madal Meher ahayd oo Kulmisay Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed tiro badan, ayaa sheegay inaan Madax-dhaqameedka looga Baahnayn inay ku Hadlaan waxyaabo bulshada ku keeni kara inay wax kala lahaato, waxana uu xusay in Hargeysa wax walba wadaagi doonto.
Guddoomiyaha oo Madax-dhaqameedka uga Digaya inay Bulshada la dhexyimaadaan Hadallo tafaraaruq keeni kara, ayaa yidhi,
“Cuqaashaay Haddii Aad Cadhootaan Hanna Odhaninna Airport Gaar ah baanu Dhisanaynaa, Hargeysina Airport qudha ayuun bay lahaanaysaa, meel qudhana Biyuhu way uga Imanayaan idaacad qudhana way lahaanaysaa.” Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Hadalka Guddoomiyaha ayaa yimi kadib markii Madashaas la wada fadhiyey la la isku weydaarsaday Hadallo duurxul ahaa oo qolo waliba qolada kale u duraysay shaqada ay Bulshada u hayaan inay hoos u dhacday.
SDN/QJ