Cuqaal ka Tirsan Degmada Axmed Dhagax ee Caasimada Hargaysa oo baaq u jeediyay Dhalinyarada Degmadaasi
Hargaysa 02.Jan.(SDN)
Cuqaal iyo Wax ka tirsan bulshada ku dhaqan degmada Axmed Dhagax ee Caasimada Hargaysa ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargaysa waxay u soo jeediyeen Guud ahaan Shacabku inay dhan uga soo wada jeedaan ilaalinta nabadgalyada isla markaana ay ka feejignaadaan wax kasta oo wax u dhimaya nabadgalyada dalka.
Chief Caaqil Faarax Aadan iyo Halac Colaad Jaamac oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha nabadgalyadu ugu fadhido qaran ahaan iyagoo u soo jeediyay dhalinyarada ku dhaqan degmada Axmed Dhagax inay ilaaliyaan amniga wadanka iyagoo ku booriyay in wixiii tabasho ah ee jirta loo maro dariiqa sharci ee aynu dhiganay,Waxay Cuqaashani intaas ku dareen in bulshada Degmada Axmed Dhagax ay hormood ka yihiin nabadayntii iyo jiritaanka dhisamaha qaranimada Somaliland.
Duqay iyo Waxgarad kale oo kulankaasi ka hadlay ayaa Xukuumada u soo jeediyay in wixii tabasho ah ee jira ay ka hawl gasho xalinteeda .
Hargaysa SDN