Cuqaal iyo Madax-dhaqameed reer Gabiley ah oo dhacdadii Ciidanka lagu weerar ku eedeeyay Cali Waran-cade iyo Suldaan Xiiray
Gabiley, 21 May 2012 (SDN)- Cuqaasha iyo Madaxdhaqameedka Gobolka Gabiley, ayaa markii u horeysay jawaab kulul ka bixiyay hadalo kasoo yeedhay dhawaan, Siyaasiga Cali Maxamed Warancade iyo Suldaan Yuusuf Xuseen Xiirey oo ay uga jawaabeen kadib markii, ay ka hadleen Xukun lagu riday Koox dabley ah oo sadex Askari oo katirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland ku diley dhawaan Xero kutaala Koonfurta Bari ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa.Cuqaashan oo hadalo adag ku durey labadan masuul islamarkaana hadalo dhinacyo badan taabanaya kaga hadley arintan ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland oo ay ku sheegeen in uu Maalintii Shilkaasi dhacey kula dhaqmey talaabo Dowladnimo, Beesha Habaryoonis Waxagardkooda iyo Salaadiintooda oo ay Sheegeen in ay
Runta u Sheegeen Qaladka kayimid Walaalahood Maxamed Baar-Jeex iyo Salaadiinta Somaliland Qaarkood.
Cuqaasha iyo Madax-dhaqameedka Gobolka Gabiley, waxey arintan kag hadleen Shir Jaraa,id oo ay shalay ku qabteen Huteelka Asker ee Magaalada Gabiley waxaana kamid ahaa hadaladoodii “Anigoo ah Caaqil Cabdi Aw Cumar Warsame islamarkaana, ah jufadii Asakartaa ku dhimatey Weerarka ay kooxda dableyda ahi ku qaadeen Ragaa dhintey waxaan leeyahey marka hore Askarigu hadii marka ay xabadi qof kaga dhacdo isaga ee uu wax dilo anaga naloo soo doonayo magtiisa marka isaga la dilana lanagu leeyahay Qarankay u dhinteen isma qabaneyso Waxaan uga mahad celinayaa Taliyaha Ciidanka Qaranka sidii uu noola dhaqmey markaanu damacnay inaanu meydkaa qaadano, ee uu noo tusey amarka iyo Dowladnimada”Ayuu yidhi Caaqil Cbdi Aw Cumar Warsame.
Waxa kale oo halkaa ka hadley Caaqil Maxamed Cabdi Qowdhan, waxana kamid ahaa hadaladiisii “Waxaan leeyahay Cali Maxamed Warancade Waxa uu Xilka Wasiirnimo lasoo dhameystey Laba Madexweyne Marxuum Cigaal iyo Rayaale umadu wey ku tuhunsaneyd oo Waxaad laheyd Madexweyne ayaan doonayaa wey kuu dhamaatey, Raga la laayay lagama sameyn Geed Layidhaa Askari, kuwa aad u doodeysaana wax kale ma’aha waad soo abaabushey, ayaan ku leenahay oo adiga iyo Ina Xiirey ayaa Soo abaabuley, kaa yeeli maayaan inaad raas u hadasho umada aad labaatanka Sanadood Wasiirka u aheyd, Waan idiin jeednaa, idin caayi mayno Raga aad ragoodii leyseen godobtoodu wey idiin taalaa Waxaananu u mahad celinaynaa Salaadiinta Habar-Yoonis ee garatey Khaladka walaalahood, Xukuumadana waxaan leeyahey hadii Go’aankaa laga noqdo Somalilandnimada lagu seexan maayo”Ayuu Yidhi Caaqil Maxamed Cabdi Qowdhan.
Caaqil C/laahi Qalinle Fariid ayaa isaguna Yidhi “Madexweyne hadaad Go’aankaa Fuliso Waxaad u hiilisey Cadaalada, Somalilandnimada iyo Diinta iyo Shacabkaba hadii kalena waad ka hiilisey intaba”Ayuu yidhi Caaqil C/laahi Qalinle.
Caaqil Axmed C/laahi Xareed(Weerar), oo isaguna ka hadley Shirkaa Jaraa’id waxa kamid ahaa hadaladiisii “Waxa la yidhi nin baa beri iska joojiyay balwad uu lahaan jirey kadibna, Waxa dhacey in uu Soo raaco saaxiibadiisii hore, casuumad kadibna waxa la dalbadey Sharaab markaasuu sadex xabo oo kooke ah is raaciyay daqiiqado gudahood,Kadibna nin ag fadhiyay ayaa ugu jawaab celiyay waar nafta Balwada usii daa, waxaan kuleeyahay ina Xiirayow nafta halkay dooneyso usii daa meel baad u socotaaye, Cal Warancadena waxaan leeyahey hadalkii aad Dahabshiil ku difaaceysay waa ilmadii Yaxaaska, waayo Dahabshiil waa muwaadin dalka xaq kuleh oo uga lexejeclo badan Awal iyo garxajisba, ma aha in habartii baloodh jeexaneysaaba tidhaa Dahabshiil ayaa la siiyay, Ina Baarjeexna waxaan leeyahay nabar gardaro illaahay hakaaga dhigo lad-qabada aad u dhaawacantey”Ayuu yidhi Caaqil Weerar.
Waxa kale oo Shirkaa Jaraa’id ka hadley Caaqil Geydh Cige Geele, Oday C/risaaq Sheekh Aadan iyo Odey Sheekh Ciise Aw Jaamac Qaalib(Gacanlo). iyagoo dhamaantoodna tacsi u direy Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Guud ahaanba umada Reer Somaliland ee ay ka baxeen ragaasi katirsanaa Ciidanka Qaranka ee la laayay Waxaanay Cuqaashaasi Shirkaa jaraa’id Tacsi ugu direen Qoysaskii eheladii ay ka baxeen
SDN, Gabiley