Culimo ku jirta Xabsiyada Jabuuti oo raashinka ka soomay iyo mudaharaadyo mucaaridku dhigaan Jimce walba
Jabuuti April 14,2013(SDN)-Sadex wadaad oo mudo ku jiray xabsiyada Jabuuti ayaa shalay dib u bilaabay raashin joojin ka dib kolkii ay suurto geli weyday in ay xoriyadooda dib u helaan.
Culimadaan oo hore ay maxkamadi ugu ridey xukun 2 sanadooda oo ay racfaana ka qaateen dhawaan.
Xukuumada Jabuuti ayaa dhawaan xabsiga ka sii daayay afhayeenkii dalada mucaaridka ee USN Daahir Axmed Faarax iyo todobo ruux oo kale.
Geesta kalena waxa Jabuuti todobaadyadii u danbeeyay caado u noqotay mucaaridka Jabuuti in ay abaabulaan mudaharaadyo looga soo horjeedo xukuumada Jabuuti.
Mucaaridka ayaa isu soo baxyadan abaabula salaada Jimce dabadeed oo aad arkeysaa dhalinyaro iyo haween faro badan oo wadooyinka degaanada mucaaridku badan yihiin tuban.
Isu soo baxyadan ayay mucaaridku sheegeen in ay yihiin qaar biloow u ah isbedel siyaasadeed oo Jabuuti ka dhaca.
SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com