|

Culimada Masaajida Magaalada Burco oo Kulan loo qabtay iyo Wasiirka Awqaafta oo ka Hadlay

Burco 07.June 2014 (SDN/QJ)- Kulan aqoon is weydaarsi ah  ayaa magaalada Burco uga furmay  iimaam-yada masaajidda ku yaalla magaaladaasi.

Kulanka oo socon doona laba maalmood ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda diinta iyo Aw-qaafta maamulka Somaliland.

Wasiirka diinta ee maamulka Somaliland,  Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo ka hadlay furitaankii kulanka ayaa sheegay in wasaaraddu ay dadaal ugu jirto sidii kor loogu qaadilahaa wada shaqaynta  immaam-yada masaajidda oo uu sheegay inay muhiim u yihiin wacyi galinta iyo hoggaaminta bulshada.

Qaar ka tirsan iimaam-yada oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay yeeshaan kulamo ay isku weydaarsadaan aqoonta iyo waayo aragnimadooda.

Kulanka ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Burco loogu qabto iimaam-yada masaajidda kuyaalla magaalada Burco.

Burco SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed