Culimada Iyo Salaadiinta Gobolka Togdheer Oo Baaq Ka Soo Saaray Duqaymaha Ka Socda Marinka Qaza
BAAQA CULIMADA GOBOLKA TOGDHEER
(ISBARBARTAAG IYO TAAGEERO QAZZA)
Sida la ogyahay , dawlada sheegata israaiil ee yuhuuddu waxa ay xasuuq iyo gumaad ba’an u gaysatay walaalaha muslimiinta ah ee reer Qazza,iyada oo ku soo qaaday dagaal cirka,dhulka iyo baddaba ah, waxaana dagaalkaasi gaystay dhimasho kor u dhaafaty illaa iyo hadda 1800, halaka dhawaawucuna kor u dhaafay 9000.
walina dagaalkii wuu socdaa , cirka
Reer Qazza waxay go’doon ahaayeen ku dhawaad siddeed sanno , intaasna way dhibbanaayeen , waana markii saddexdaad ee ay yuhuuddu ku soo qaado dagaal ( 2008, 2012 iyo 2014) .
Sida aynu ognahay diinteena islaamku waxa ay ina faraysaa in aynu isu hiilino , oo ay muslimiintu walaalao yihiin , hal jidh oo isu damqanaaya yihiin .
sidaa awgeed culimada gobolka togdheer ayaa waxa ay soo saareen baaqaan.
1- Waxaaanu ka damqanaynaa isla mar ahaantaana canbaaraynaynaa gumaadka ay yuhuudu ku samaynayso walaalahayga reer qazza , sidoo kale waxaanu canbaaraynaynaa cidksata oo siinaysa taageero toos ah ama mid dadban.
2- Waxaanu ku taageeraynaa walaalaha reer gaza wax kasta oo awoodayada ah, oo ay ugu horayso ducadu duruufuhuna ay saamaxaan ,sidoo kale waxaananu ku taageeraynaa in ay xaq u leeyihiin inay isdifaacaan iyagoo ilaashanaya diintooda ,dhiigooga iyo muqadasaadka islaamka.
3- Waxa aanu ugu baaqaynaa umadda islaamaka meelkasta oo ay joogaan iyo cidkasta oo damiir bani aadamnimo leh , in ay is garab taagaan walaalaha reer Qazza iyagoo lawadaagaaya dareen iyo ducaba .
4- Waxaa layaab leh aamuska caalamka islaamku ka aamusan yahay gumaadka reer Qazza lagu hayo habeen iyo maalinba, gaar ahaan madaxda caalamka islaamka, iyada oo la wada ogsoon yahay taageerada cadaanka ah ee ay siinayaan yuhuudda dawladaha waawayn ee reer galbeedku.
Wabilaahi Tawfiiq
Culimada gobolka togdheer
Magacyada culimada bayyaan kan ku sexeexan:
1-sh cali warsmae
2-sh.yuusuf cabdi cawad
3. Suldaan Maxamuud Guuleed Mire
4. Suldaan Daakir Xassan khaliif
5. sh. cabdilaahe baashe
6-sh. cabdiqani aw saalax cali
7-sh.dr xasan sh .cali warsme
8–sh. siciid xaaji cismaan maxmed
9- sh. cabdilaahi khaliif jaamac
10-sh. mustafe aadan mxamed
11- sh . cabdiwahaab xaashi xasan
12- sh.ibraahin jaamac axmed
13- sh.maxmed shukri xasan
14- sh.cabdiqaadir muuse xasan
15- sh.jaamac cismaan axmed
16-sh.cismaan ibraahin faarax
17- sh.xusdeen aadan cali
18- sh.xasan abokor dhuuxyare
19- sh. saleebaan cali daahir
20- sh.daawuud cali xuseen
21- sh.baashe obsiye ducaale
22- sh. jibriil xaaji siciid maxamed
23- sh. ismaaciil yuusuf xasan
24-sh.cabdishakuur jaamac dirir
25- sh. maxamed kaahin saleebaan
26- sh. faysal cali faarax
27- sh yuusuf maxmuud diiriye
28- sh . maxamuud sh xasan guleed
29- sh. aadan cabdi ismaaciil
30- sh.aadan yuusuf maxmed
31-sh.maxmed cabdilaahi jaamac suudi
32- Dr. C/raxmaan Axmed Raage
33- Dr. Xuseen Maxamuud Ducaale
34-sh. baashe Maxamed siciid
36- sh. c/rashiid x Aadam
37sh. Jaamac Cali cabdille
38. sh. cismaan Daahir jaamac