Culays kale oo Madaxweyne Gaas la soo Dersay iyo Itoobiya oo Deg Deg ugu Yeedhay
Garowe 20.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdi Weli Gaas ayaa lagu wadaa maalmaha soo aadan inuu u socdaalo dalka Itoobiya oo Yeedhmo deg deg ahi ay ugu timid.
Wuxuuna salka ku hayaa socdaalka la filayo inuu ku tago Addis Ababa maalmaha soo aadan Madaxweyne Gaas sidii ay ugala hadli lahaayeen Madaxda Dowlada Ethiopia dhismaha maamulka labada Gobol iyo Sidii loo dabcin lahaa mowqifka ay arrintaas iska taageen madaxda xukuumada Puntland.
“Dowlada Ethiopia ayaa ugu yeertey Madaxweyne Gaas sidii ay ugala hadli lahayd maamulka loo dhisayo Mudug iyo Galgaduud, Waxaana lagu wadaa 21 ilaa 23 bishan inuu tago Addis ababa, halkaas oo uu shir kula qaadanayo Madaxda ugu sarey Dowlada Itoobiya “ ayuu yiri mid ka mid ah ilaha dublumaasiyadeed ee aanu Warkan ka soo Xiganay.
Waxa uu intaas ku darey in Dowlada Itoobiya ka mid tahay dowladaha garwadeenka ka ah sidii la iskula fahmi lahaa dhismaha maamulka labada Gobol ee lagu saxiixay 30 Augsto 2014 Muqdisho, uuna la xiriiro qorshaha in la dhagaysto dooda ay ka qabto Puntland iyo In kale oo uu jirey heshiis horre oo ku aadan arrintan
Wuxuuna kusoo aadayaa socdaalka Madaxweynaha Puntland xilli ay jirto qaban qaabo soo dhaweyn ah oo la filayo socdaal uu ku tago Qardho ka dib markii labo maalin ka hor uu sidaas ka balan-qaaday Boqor Burhaan Boqor Muuse
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com