|

Cudurka ka Daacuunka oo dilaacay Soomaaliya

Muqdisho March 05, 2024 (QJ) -Illaa 37 qof ayaa Soomaaliya ugu dhintay cudurka daacuunka tan iyo bishii Janaayo, taasoo muujineysa faafitaanka cudurka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda caafimaadka iyo adeegga bulshada ayaa ka warbixisay koror weyn oo ku yimid kiisaska daacuunka, iyadoo wadar ahaan la soo sheegay 3,365 xaaladood.

“Laga bilaabo Jannaayo 2024-ka, degmooyin dhowr ah oo Soomaaliya ka tirsan ayuu si weyn u saameeyay cudurka daacuunka, degmada ugu badan ee uu cudurkaasi ka dillaacay waa Beledweyne, taasoo ka dhigan 604 xaaladood (qiyaastii 18 boqolkiiba wadarta guud),” ayay wasaaraddu ku tiri warbixinteedii ugu dambeysay ee cudurrada faafa. cudurada.

Wasaaradda ayaa cudurka daacuunka ee Soomaaliya ka dillaacay ku sheegtay in ay sabab u tahay dadka oo aan helin biyo nadiif ah iyo adeeg caafiimaad.

Waxaa intaa dheer, dalka waxaa soo maray abaar ka dhalatay El Nino, oo saameysay in ka badan 2.5 milyan oo ruux, iyadoo 1.2 milyan ay wajahayaan barakac.

Comments are closed