Cudur Cusub oo ka Dilaacay Somalia iyo Qaramada Midoobay oo ku hawlan Wax ka qabashadiisa
Nairobi 16.July 2014 (SDN/QJ)- Cudur ka dilaacay Soomaaliy,ayaa walaac weyn ku abuuray qaramada Midoobay isla markaana ay sheegeen in ay si dhakhso ah uga hawl gali doonaan la dagaalanka xanuunka cusub iyo sidii ay ku xakaman lahaayeen.
Qaramada Midoobay ayaa lacag gaadhaysa $1.4 million Dollar ugu tala-gashay in wax looga qabto cudurka Measles oo la sheegay inuu ka dilaacay qaybo kamid ah gobollada Soomaaliya sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay.
Waxaa lacagtan loogu caawin doonaa dad ku dhow hal milyan oo ruux oo u badan caruur ay da’doodu ka hoosayso shan sano jir, iyadoo Farhan Haq oo kamid ah afhayeennada Qaramada Midoobay uu sheegay in jawaab laga bixin doono xanuunkan.
Maamulka Puntland gobolo kamid ah, jubada hoose iyo gobolka Banaadir ayaa la sheegay in lagu arkay kiisas la xiriira cudurkan bilihii Maarso iyo Abriil, iyadoo laga dayrinayo xaaladda ay ku sugan-yihiin kumanaan caruur ah oo Somaliya ku nool.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee xiriirinta arimaha bini’aadanimada ayaa warbixin ka soo baxday lagu sheegay in ilaa 1,000 kiis oo kaliya lasoo ogaaday bishii shanaad ee sannadkan, waxaana lagu baaqay in wax looga qabto sida ugu haboon.
“Waxa gar-gaarkan uu ka hortagayaa in xanuunkan u ku sii fido goobo kale,“ ayuu yidhi Philippe Lazzarini oo ah is-uduwaha xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan bini’aadannimada Soomaaliya oo ka hadlayay xaaladda jirta.
Ugu danbayntii Dr. Ghulam Popal oo ah wakiilka WHO ee Soomaaliya ayaa sheegay in xanuunkan uu dhibaato ka baaxad weyn tan hadda uu keeni karo hadii aan laga hortagin ,waxaana uu tilmaamay in ay socdaan dadaallo lagu hubinayo sidii loo dhimi lahaa cudurkan khatartiisa.
Nairobi SDN/QJ
contact@qurbejoog.com