|

C/Shakuur Xaaji Maxamed Ismaaciil (Bidhaan) iyo Mubaarig Xaaji Cabdi oo ka sharaxan Xisbiga UCID oo soo Bandhigay Awood iyo Taageero Mug Leh

Hargaysa Nov 07/12 (SDN)  Iyada oo maanta uu ololaha doorashada Somaliland u lahaa Xisbiga UCID ayaa waxa munaasibad wadajir ah soo qabanqaabiyay laba murashax oo kala ah C/Shakuur Xaaji Maxamed Ismaaciil (Bidhaan) iyo Mubaarig Xaaji Cabdi oo labadooduba ka sharraxan Xisbiga UCID, taas oo ka qabsoontay inta u dhaxaysa Biriijka Hargeysa iyo Total, waxaana ka soo qayb galay boqollaal taageerayaal ah, Guddoomiyeha Xisbiga UCID, Xogahayaha Warbaahinta UCID, kooxaha hiddaha iyo dhaqanka madax iyo masuuliyiin kale.
Ugu horreyn murashax C/Shakuur Xaaji Maxamed Ismaaciil (Bidhaan) oo numberkiisa codayntu yahay 209 ayaa ballan-qaaday inuu ku ka shaqayn doonto horumarka Caasimadda hadduu ku guuleysto doorashada isaga oo xoogga saaraya adeegyada bulshada ee waddooyinka, biyaha, caafimaadka, nadaafadda IWM. Sidoo kale murashax Mubaarig Xaaji Cabdi  oo numbekiisa codaytu ahay 219 ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu diyaar u yahay horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo awdista baahiyah ka jira Hargeysa haddii uu ku guuleysto doorashada, iyada oo ay labada murashax ka codsadeen taageerayaashooda iyo guud ahaan bulshada Hargeysa inay codka siiyaan. Sidoo kale kooxaha hiddaha iyo dhaqanka ayaa meesa ku soo bandhigay suugaan iyo ciyaaro ay ka heleen dadkii madasha joogay.
Ugu dambayntii Guddoomiyeha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali-Waraabe ayaa ugu baaqay bulshada inay codka siiyaan labadan murashax  oo ah kuwo ay ku soo
 xuleen aqoon iyo daacadnimo, isaga oo ka dayriyay xaaladda ay ku sugan tahay dawladda hoose ee Hargeysi. Guud ahaan munaasibadda ayaa ku dhamaatay jawi farxadeed

Siciid Maxamuud Gahayr
Qurbojoog.com Hargaysa

Comments are closed