|

C/raxmaan Faroole oo sanad cusub ku darsaday sii heynta Xilka Madaxtinimo ee Puntlanda, shaciyayana waqtiga ay dhaceyso doorashada cusub

Garoowe Jan 09 2013 (SDN)- Madaxweynaha Maamulka Puntland  ayaa xalay xaflad uu ku qabsaday Magaalada Garoowe ee caasimada maamulkaasi waxa uu ku shaaciyay in wali uu sigau Madaweyne ka yahay Puntland islmarkaana doorasha dalkaasi ay dhici doonto 2014ka. 

Faroole oo ay qudbadiisu meelo bada taabaneysay ayaa waxa uu Amaanay 4tii sano ee uu xilka soo hayay waxana uu sheegay in wax wanaagsan ay ka qabteen Amaanka dalka islamarkaana ay la dagaalameen burcad badeeda iyo Argagixiso kuwaasi oo isku dayay in ay maamulkaasi carqaladeeyaan. 

Shalay oo ay 8 Jan ku beegneyd waxa ay aheyd malintii lagu balansanaa in Madaxweyne faroole xilkiisa uu ku ekaa laakiin waxana uu xalay ku dhawaaqay in shansano uu buuxsanayo si uu dastuurka qabo. 

C/raxamaan Faroole oo dhinacyo badan ka hadlay ayaa sheegay in doorashada rasmiga ah loo dareerayo 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2014-ka intii ka sii horeysana uu kursiga isagu ku fadhin doono. 

Siyasiyiina ka soo horjeeda ayaa aad u dhaleeceynaya talaabada uu xilka ku korarsanayo waxana ay sheegayaan in aysan sharici aheyn in Faroole sanadkale uu ku darsado xilka madaxtinimo ee dalka. 

Mucaaradku waxa ay muujinayaa in ninkan uu ku guul dareysatay wax ka qabashada dalka iyo dhaqalaaha maamulkaasi oo hoos u dhac weyn uu kuyimid tan iyo markii faroole 4-sano ka hor uu qabtay. 

Puntland ayaa u gudubtay sida la shaaciyay nidaamka Axsaabta badan iyadoo dastuur cusub sameysatay waxaana siyaasiyiin badan oo Puntland ah ay isku diyaarinayeen in ay ka qeyb qaataan doorashada  oo ay filayeen in sanadkan ay dhacado. 

Laakiin taas iska daaye iyaga ayuuba Madaxwene Faroole ku tilmaamayaa kuwa waxuus ah oo aan waba kala socon nidaamka iyo siyaasada maamulkaasi. 

Dadbadan ayaa ka cabsi qaba in rabsadho ay ka dilaacaan Puntland iyadoo gobolkaBariay hada dagaal kawadaan Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo sheegay in ay qabasanayaan Puntland.

SDN-Garoowe

 

Comments are closed