CPJ oo dowladda ugu baaqday in sharuud la’aan lagu sii daayo Wariy C/casiis Koronto
Washington Jan 28 2013 (SDN)— Warbixin maanta oo Isniin ah ay soo saareen Ururka difaaca saxafiyiinta caalamka ee (CPJ) fadhigoodu uu yahay dalka Mareykanka ayaa waxay si cad ah ugu qeexeen in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay inay si sharuud ah ku sii daayaan wariye wax ka badan labo isbuuc u xiran xukuumada Soomaaliya oo lagu haysto inuu baahiyay warar sheegaya in haweeney barakac ah ay kufsadeen Rag ku lebisan dareeska ciidanka dowlada Soomaaliya.
Wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Koronto oo ka mid ah wariyaasha ka howlgalayay warbaahinta Muqdisho,ayaa in ka badan 10 Maalmood isagoo wax maxkamad ah la soo taagin gacanta ugu jira xukuumada Soomaaliya,kaasi 10-kii bishan January gacanta lagu dhigay.
Kooxda ka hortaga xadgudubyada loo geysto Saxafiyiinta ee CPJ ayaa warqad qoraal ah u diray maanta oo isniin ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ay kaga dalbanayaan in la sii daayo wariye Cabdi Casiis Koronto oo wali ku jira gacanta dowlada Soomaaliya.
Xiritaanka wariye cabdi casiis waxuu fariin xanuun badan uu ku yahay dhamaan warbaahinta Soomaliyeed,taasi oo muujineysa in xaalad qatar ah ku shaqeynayaan warbaahinta,ayaa lagu sheegay warqada qoraalka ah ee ka soo baxday Ururka difaaca saxafiyiinta.iyagoona intaasi ku daray in ku sii nagaashaha xabsiga wariye Cabdi nuur si wey ay kaga dhiidhinayaan.
Waxii ka danbeeyay markii waaxda danbaarista CID-da gacanta ay ku dhigtay wariye cabdi casiis cabdinuur ibraahim Koronto ayaa waxaa soo baxayay canbaareynta ka soo yeereysa dhinacyada bulshada iyo waliba saxfayiinta dalka iyo dibidiisa ku dhaqan iyo Hay’adaha xaquuqda aadanaha u dooda.
Waxaana hadalkaan qoraalka ah ee dowlada Soomaaliya looga dalbanayo sii deynta wariyaha u xiran, imaanaya xilli maalintii shalay ahayd kulan magaalada Muqdisho ay isugu yimaadeen saxafiyiinta iyo agaasimayaasha Muqdisho ka howlgala,kuwaasi oo si weyn ka ka soo horjeestay in xabsiga uu xukun la’aan uu ku sii jiro Wariye Cabdi casiis Koronto sida ugu dhaqsiyaha badana lagu sii daayo.
SDN-Washington