Congaress-ka Maraykanka oo meel mariyay dhaqaalo lagu taageerayo dadkii ay waxyeeleysay Dufaantii Sandy
Washington Jan 05 2013 (SDN)- Congress-ka Maraykanka ayaa meel mariyay dhaqaalo gar gaar oo lagu taageerayo dadkii wax ku noqday Duufaantii Sandy eek u futay qeybo badan oo ka tirsan dalka Maraykanka.
Congress-ka Maraykanka ayaa dhaqaalaha ay meel mariyeen waxa uu gaarayaa 9.7 bilyan oo dolarka Maraykanka ah waxaam qorshuhu uu yahay in wax loogu qabto dadkii ku waxyeeloobay duufaantii Sandy.
Afhayeenka Aqalka Congress-ka John Boehner ayaa sheegay in goluhuu uu cod buuxa uu ku meelmariyay dhaqaalan loogu talagalay in lagu taageero dadkii wax yeloobay duufaantii ku dhufatay Xeebaha Bari ee dalkaasi.
Dufaantii Sandy oo bishii October ku dhuftay Xeebaha bari ee Maraykanka ayaa waxaa ku geeriyooday in la xaqiijiyay 120-ruux.