|

Coldoon oo soo dhameystay xabsi xaqdaro ah

Hargeysa December 22, 2022 (QJ) – Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta ka soo baxay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, kadib laba sanno oo uu u xirnaa eedo Suaalo badani ka dhasheen.

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa 3 February 2022-ka ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, Balse Wariye Coldoon ayaa waxa xukun labo sano ahaa oo madaxtooyada dooneysay waxa ku riday Maxkamadda Racfaanka ee magaalada Hargeysa 23-kii May 2022-kii ku xukuntay.

Coldoon oo Maxkamadda horgeeyay caddeymo ku saabsan kiiska lagu soo oogay, ayay Maxkamaddu dheg jalaq u siin weyday.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo warbaahinta kula hadlay afafka hore ee Xabsiga ayaa sheegay in lagu xiray Cadaalad darro.

Ma aha markii u horeysay ee Wariye Coldoon sidan oo kale la iska xiro, 19-kii Bishii April 2019-kii, kadib markii eedeymo loo jeediyay balse 6 Juun 2020 ayaa lagu sii daayay Cafis Madaxweyne.

Comments are closed