|

Col. Barre Hiiraale oo magaalada Muqdisho kula kulmay Bulshada qeybaheeda kala duwan

Muqdisho Sept 03,2014(SDN/QJ)-Munaasabad ballaaran oo kasoo qeyb galeen Waxgarad, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Odayaal, iyo Haween oo warbixin looga dhageysanayay Col, Barre Aaden Shire (Barre Hiiraale) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Barre Hiiraale oo warbixin dheer oo ku saabsan marxaladihii kala duwanaa ee soo mareen hanaanka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka goobta ka akhriyay, ayaa waxa  uu tilmaamay in ay muhiim tahay in laga wada qeyb-qaato nabadda Gobalada Jubbooyinka, taasina ay tahay masuuliyad saaran qof waliba oo Soomaali ah, loogana fadhiyo dadka Jubbooyinka in ay meel uga soo wada jeestaan colaada iyo khilaafaadka dhexdooda ah.

Barre Hiiraale ayaa yiri“Dadka dagan Jubbooyinka waxaa hareeyay dhib badana u geystay colaad iska socota oo meel ay ku dhamaanayso aan la garanayn maanta waxaan hortiina ka sheegayaa in uu dhammaaday khilaafkii Jubbooyinka dadkuna u gudbeen waji kale oo xal gobolladaas loogu raadinayo,  waxan isla afgaranay wafdigii Goobweyn noogu yimid in  Dib u heshiisiin daba socota shirarkii addis iyo Muqdisho  lagu qabto Kismaayo. Dowladda  Federaalka iyo beesha Caalamka waxaan ka sugaynaa dhamaystirka inta dhiman heshiiskan iyo qabyo tirkiisa. Kismaayo waxay ahayd magaalo dagaal, laakiin waxay hadda ka dib noqonaysaa magaalo nabadeed oo xasilan,” ayuu yiri Col. Barre Aaden Shire (Barre Hiiraale)

Qaar kamid ah Waxgaradkii iyo siyaasiyiintii shirka kasoo qeyb galay ayaa ku tilmaamay go’aanka Barre Hiiraale tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca nabad-sameynta iyo qaran-dhisidda Soomaaliya. Waxana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin doorkooda in ay qaataan.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed