C/Laahi Siciid Dheere: Bare iyo Siyaasi Hufnaan Looga Marag-furay. W/Q Siciid Gahayr (Hargeysaawi) 8aad.
Sannadkii 2007-da, markii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin kala diray guddigii doorashooyinka ee uu Guddoomiyeha u ahaa Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa uu distoorku dhigayaa in marka komishan cusub la samaynayo uu madaxweynuhu soo magacaabo 3 xubnood, guurtiduna ay 2 keento, halka axsaabta mucaaridka ahina ay xulista 2 xubnood u xilsaaran yihiin. Maadaama oo ay xilligaas jireen laba xisbi mucaarid oo kala ahaa UCID iyo KULMIYE, waxa uu mid kastaaba soo magacaabayay xubin gaar ah. Guddoomiyeha UCID Eng Faysal Cali-Waraabe, intii aanu jagadaas u magacaabin Alle Ha U Naxariistee Axmed Xaaji Bidaar waxa uu isku dayay inuu u magacaabo Cismaan Aadan Rooble oo ka cudurdaartay qabashada xilkaas iyo C/Laahi Siciid Dheere, laakiin maadama Cabdillahi ka mid ahaa Gudida Fulinta ee Ururka xeerku umuu fasaxayn inuu ka mid noqdo Komishanka Doorashooyinka Qaranka xubin urur siyaasi ah ku jira golayaashiisa ama hogaankiisa.
Waxa aynu odhan karnaa waxa ay Faysal iyo C/Laahi garteen inay sharciga ixtiraamaan, waxaanay ka badbaadeen waji-gabaxii uu la kulmay Guddoomiyihii hore ee Kulmiye Axmed-Siilaanyo oo ah inuu Guddiga Doorashada u magacaabay Ilhaan Maxamed Jaamac oo ka tirsanayd golaha dhexe ee Xisbigiisa, waxaase is-hortaagay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo cuskaday qodob sharci ah. Waxaana Kulmiye lagu dirqiyay inuu soo beddelo haweenaydaas oo markii dambe ka noqotay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland.
Doorkii C/Laahi Siciid ee Hirgalinta Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha
Markii uu soo dhawaaday dhammaadka xilligii la doortay Daahir Rayaale Kaahin oo ku ekaa May/2008-da waxa ay axsaabta mucaaridka ah ee dalku ku dhawaaqeen inaanay ka qayb-gelaynin doorasho bilaa diiwaan-gelin ah sidaas daraadeed waxa Somaliland markii u horreysay laga hirgeliyay Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha gu’yaalkii 2007-2008-da waxaana jiray guddi farsamo oo arrinkaas qaabilsanaa Guddi Farsamo oo ka kooban Toddoba Xubnood oo ay si Wada jira u soo Xuleen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Saddexda Xisbi Qaran [KULMIYE, UCID, iyo UDUB] iyo Wasaaradda arrimaha Gudaha, oo hawsha loo igmaday ay tahay Sugidda Jinsiyadda iyo Diwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha.
Toddobadan Xubnood oo laba ka mid ahi ay soo magacaabeen Guddida doorashooyinku waxay kala ahaayeen Xirsi Xaaji Cali Xasan oo ahaa Guddoomiyaha Guddidan Farsamo ee Sugidda Jinsiyadaha iyo Diwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, isla markaana ah Guddoomiye Ku-xigeenka Komiishanka Doorashooyinka, Maxamed Ismaaciil oo ahaa Xubin ka mid ah Guddida Doorashooyinka, labada Xubnood ee ay Wasaarada arrimaha Guduhu Waxay kala yihiin, Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Axmed Jaanbiir Kaahin iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Maxamed Jaamac Colow, halka Sadexda Xubnood ee ay soo magacaabeen Axsaabta Qaranku ay kala yihiin. Guddoomiyaha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax, Axmed Maxamed Buubaa xubin ka socotay Xisbiga UCID iyo Xuseen Axmed Caydiid oo ka socday Xisbiga KULMIYE.
Xubinta UCID u soo magacawday hawshan oo ahaa Axmed Maxamed Buubaa waa ka cudurdaartay waxaana halkiisii galay Alle ha u naxaritistee C/Laahi Siciid, sidoo kale waxa la beddelay Xirsi Cali Xaaji Xasan markii laga qaaday ku-xigeenka Guddiga doorashada isna uu xubinnimadii iska casilay iyo Maxamed Ismaaciil oo noqday Guddoomiyeha KDQ. Si kasta ha ahaatee guddigaas uu C/Laahi Siciid ka mid ahaa waa kuwii suurtogeliyay qabsoomidda diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo lagu tilmaamo mashruucii ugu baaxadda weynaa ee dalka ka hirgala. Guddigani waxa ay socdaallo ku tageen gobollada Somaliland iyagoo galay xaalado halis ah. Tusaale ahaan waxaan xasuustaa in markii diiwaangelintu ka socotay Sool ay joogeen Laascaanood iyadoo degmada Widhwidh isla maalintaas lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka qaranka.
Nasiib-darro waxa doorashadan laalay afar xubnood oo ka mid ahaa komishanka doorashooyinka oo u janjeedhay dhanka UDUB waxaanay xukuumaddu dalka ka eriday wakiilkii haayadda Interpeace.. taasi waxa ay sababtay cakirnaan sababtay inay dhacaan bannaanbaxyo dhiig ku daatay oo dhacay dhammaadkii 2009-ka, kuwaas oo lagu af-jaray lix qodob oo ay ka mid ahaayeen
1. In la beddelo komishanka doorashooyinka lana magacaabo kuwo cusub
2. In la soo celiyo diiwaangelinta la laalay, lana saxo qaladka ku jira IKK.
Heshiiskaasi waxa uu sababay inay dalka ka dhacdo doorashadii madaxtooyada oo qabsoontay 26/June/2010-ka oo ay ku tartameen
- Xisbiga UDUB oo ay sharraxnaayeen Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne-ku-xigeen Axmed Yuusuf Yaasiin
- Xisbiga KULMIYE oo ay u sharraxnaayeen Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Madaxweynenimmo u taagnaa, ku-xigeenkiisuna ahaa C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil (Saylici) iyo
- Xisbiga UCID oo uu Madaxweynenimo ugu sharraxnaa Faysal Cali-Waraabe, ku-xigeenkiisuna uu ahaa Dr Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan
Wax la ololeeyaba waxa la gaadhay amintii lagu dhawaaqi lahaa natiijada doorashada. Waa kan warkii kolkaas soo baxay oo aan ka soo xiganayo saxaafadda, gaar ahaan KULMIYE.ORG
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-
Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Md Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) oo isagu natiijada doorashada afkiisa kaga dhawaaqay ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE 266.906 ka helay codadkii laga dhiibtay doorashada oo u dhiganta 49.59%, halka xisbiga imika talada dalka haya ee UDUB uu ka helay 178.881 oo u dhiganta 33.23%, halka xisbiga UCID-na uu ka helay 92.459 oo u dhiganta 17.18%. Waxaana sidaas hoggaankii dalka kula wareegay Siilaanyo iyo Saylici kadib markii ay natiijada si sharci ah ugu dhawaaqday Maxkamadda sare ee dalku.
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA)
Facebook: Saeed Mohamoud Gahair