C/laahi Ciilmooge: Wada la qarameynayaa Ciidamada Raaskabooni iyo Ahlu Sunna
Muqdisho Dec 14 2012 (SDN)- Wasiirka Warfaafinta dowlada Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada dalka uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo lagu tilmaami karo mid meelsare gaarsiisan.
C/laahi Ciilmooge Xersi ayaa tilmaamay in dowladdu ay xoojineyso xiriirka wada shaqeyn ee kala dhaxeeya maamul goboleedyada dalka ka jira waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay soo dhaweynayaa wada shaqeyntaasi wacan ee ay la leeyihiin maamulada dalka.
Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in dowladda hada jirta ay kaga duwan tahay dowladihii hore waxyaabo badan waxaana uu tilmaamay in dowladani mucaarad aan Shabaab aheyn aysan la heyn waqtigaani.
“Puntland, Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo kuwa kale waxaa nagala dhaxeeya xiriir wacan waxaan xoojin doona xiriirka wada shaqeyn, sida ad la socotana dowladda waxay kaga duwan tahay kuwii hore mucaarada aan Al Shabaab aheyn malahan.” Sidaasi waxaa sheegay C/laahi Ciilmooge Xersi Wasiirka Warfaafinta dowlada Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa siiwata ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Raaskanbooni iyo Ahlu Sunna lagu biirin doono ciidamad dowladda Soomaaliya maadaama aysan dowladdu aheyn mid Kumeelgaara ah.
SDN-Muqdisho