|

Ciyaartoyga Gobolada Saaxil iyo Gebilay oo yeeshay Ciyaar Saaxiibtinimo,iyo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo ka hadlay Qorshayaasha Waxqabad ee Sannadkan

Hargaysa.08.Jan (SDN) Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo ay Weheliyaan Maayarka Magaalada Berbera,Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gebilay iyo Mas’uuliyiin kale ayaa  ka qayb galay Ciyaar saaxiibtinimo oo ay wada yeesheen labada Xul ee Gobolada Saaxil Iyo Gebilay.

Ciyaartan oo labada Xul ku dhex martay Garoonka Kubada Cagta ee Cabdale Stadium,ayaa ujeedadeedu ahayd sidii xidhiidh isbarasho u dhex mari lahaa labada Xul isla markaana ay isu dhaafsan lahaayeen wixii khibrad iyo waayo aragnimo ah ee ay is dheer yihiin.

Madaxdii ka qayb gashay daawashada Ciyaartan Saaxiibtimo ee dhex martay Xulalka Gobolada Saaxil iyo Gebilay ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin in labada Xul ay wada yeeshaan kulan Ciyaareed iyagoo balanqaaday inaanay noqon doonin tii u horaysay ama u danbaysay ee ay wada yeeshaan.

Dhinaca kale Gudoomiayaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi ayaa manta ka waramay qorshayaashiisa waxqabad ee u degsan sanadkan 2013.

Gudoomiyaha oo maanta u waramayey Shabakada SDN ayaa sheegay in ay maamul gobol ahaan ku talo jiraan in sanadkan cusub ee miilaadiga ay kor u qaadaan waxbarashada Gobolka isla markaana ay ka hawlgeli doonaan xanaanaynta dadka derbi jiifka ah ee ku tabaalaysan shaaricyada magaalooyinka Gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo ka hadlayey qaabka nolol u abuurista dadka derbi jiifka ah waxa uu sheegay inay doonayaan inay dhalinyarada iyo dadka shaqayn kara ku xereeyaan Dugsiga tababarka iyo dhaqan celinta ee Minjo-Caseeye oo Gobolkaasi ku yaalla. qorshahan oo uu gudoomiyahu ku tlmaamay mid dhabbaha u sii xaadhaya sidii Caruurta iyo dhalinyarada loogu tababari lahaa farsamooyin gacmeed ay ku shaqaystaan.

Md Cilmi  waxa uu xusay in maamul ahaan ay sii ambaqaadayaan qorshayaashii qabyada ahaa iyo kuwii kale ee u qorshaysnaa sanadkan maamulkii hore ee Gobolka.

Hargaysa SDN

Comments are closed