Ciyaar Feedh Ahayd(Boxing Match) Kana Dhacdey Jikaarta oo Galaafatey Dimasho Iyo Dhaawac.(By Jaahuur)
TIMIKA-Indonesia Sep-2013-qurbejoognews.com-Ottawa-Asxaabtay faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu maanta ula caraabeynaa xagaa iyo carigaa Induuniisia.
17-an qofood ayaa ku dhimatey oo ay 12-an dumar yihiin 38-eed kalana way ku dhaawacmeen,markii laba ciyaaryahan oo feedhtamayey(Boxing Mach) taageerayashoodii kuraas isku tuurid bilaabeen.
Ciyaartan oo ka dhacdey garoon ku yaala magaalo yar oo la yidhaahdo Nabire kana mid ah Induniisia ayaa waxaa ka soo qeybgaley dadweyne gaadhaya 1500,akhirkiina kuraas raaxada iskaga qaadey,waxaana bilaabey dagaalka ciyaaryahankii laga badiyey taageerayaashiisii.
Markhaati arkayey waxa ka dhacaya meesha oo magaciisa aan shaacin ayaa warbaahinta u sheegey in uu garoonku lahaa 5-an albaab oo laga baxo,laakiin habeenkaas laba kaliya ayaa shaqeynayey,taas ayaa keentey in la isku buurto kasbatayna dhimashadaas.
Sannadkii 2011-kii umbey ahayd dhimashadii laba qof markii kumankum kala taageerayey ciyaar kama dambeys ahayd oo dhexmartey Induniisia iyo Maleeshia kana dhacdey Jikaarta.
W/Qorey Jaahuur
qurbejoognews.com