|

‘’Cirro Isagaa Igu Kibray, Isagoo La Aqoon baan Dusha ka saaray Somaliland Oo Dhan, Tolkiina Cod Imuu Siin..’’ Faysal Cali Waraabe

Hargeysa,30Nov,2015(QJ/SDN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag u naqdiyay Guddoomiyaha xisbiga WADDANII, ahna guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu ku sifeeyay  inuu yahay shakhsi abaal laawe ah.

Faysal Cali Waraabe  waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu shalay siiyay laanta afsoomaaliga ee Idaacadda  BBC-da,  isaga oo ku sugan dalka Angola, waxaanu sheegay in guddoomiye Cirro u soo raacay dawlado shiisheeye oo aanu magac dhabin, si loo  burburiyo xisbiga UCID.

‘’Anigu xisbigan Qaran dhan baan u sameeyay, Cirrana isagaa igu kibray, isagoo la aqoon baan dusha ka saaray Somaliland oo dhan, ilamuu shaqaynin, tolkii imuu siinin Vote (Cod), markii wakhtigeedii ay timidna waa uu I Undermate-gareeyay, wuxuu ii soo raacay waddamo shisheeye ah..’’

Dhanka kale. guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa wareysigiisan ay shalay BBC-du la yeelatay ku sheegay in aanu jirin wax khilaaf ah oo xisbiga Ucid haatan dhex yaalla, isagoona Faysal Cali Waraabe markale ku celiyay in la is qiimeyn doono oo xisbiga dib loogu tartami doono, sidoo kale Faysal ayaa waxa uu sheegay in aanu Jamaal Cali Xuseen xaq u lahayn in uu yidhaahdo xisbiga la igulama tartami karo.

‘’Wey u furantahay qof kasta in uu ordo (Tartanka Xisbiga), dee hadduu musharraxu leeyahay waakii saaxiibkayna ka tagaye laylama ordi karo dee xaq uma le,xisbigaana leh arrintaa, aniga iyo isagana shakhsi ahaan waxba nagama dhaxayso waa arrin xisbi’’ ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Ugu danbeyntii, Faysal Cali Waraabe ayaa ku adkeystay in xisbiga la isku qiimeyn doono, isagoona sheegay in qofka ay u arkaan in ay guusha ku gaadhayaan ay sharraxi doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafka xisbiga Ucid ayaa u muuqda mid cirka isku sii shareeraya marka laga qiyaas qaato hadalada kul-kulul ee ay warbaahinta isku marinayaan garabyada xisbigaasi isku haya.

Qurbejoog: Hargeysa

Comments are closed