|

Ciraaq oo mashaariic Soomaaliya ka fulinaysa

Bagdaad May 25, 2013(SDN)-Wasaarada dhismaha iyo deegaameenta xukuumada Iraq ayaa sheegtay in ay si toos ah u bilaabi doonto 3-mashruuc oo la xirira dhanka dhismaha oo ay ka sameeyneyso Somalia waxana ay ku kici doonta qiimo lacaged oo gaaraya 15-milion oo dolarka Maraykanka.

 

 

Wasaradu waxa ay tilmaantay in shaqalihi howlahaasi ka fulin lahaa Somalia diyaar garowgii ugu danbeeeyay ay ku jiraan.

 

 

Hadalka wasarada dhismaha iyo degaamenta wadanka Iraq ayaa lagu sheegay in ay timid kadib markii golaha wasiirada wadankaaasi ay bixiyen amarka ku aadan in lacagta qiimahedu gaarayo 15-ka million ee dolarka maraykanka mashruuc dhanka dhismaha loogu sameeyo Somalia.

 

 

Iraq waxa ay kamid tahay dowladaha xiligaan doonaya in ay wax ka dhisaan dalka uu burburiyay dagaaladii sukeeye ee dalka ka dhacay.

Comments are closed