|

Ciimada Puntland oo gacanta ku soo dhigay Kaluumeysato Ajaanib ah (Sawirro)

Boosaaso April 25 2013 (SDN)— Ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ayaa shalay (Talaado) xiray ku dhowaad 80 kalluumeysato reer Iran ah oo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha Puntland.

Kalluumeysatada ayaa watay shan doomaha kalluumeysiga ah, kuwaas oo dhammaantood ciidanka badda ay ku soo xireen dekedda Boosaaso.

12 nin oo Soomaali ah oo hubeysan ayaa sidoo kale lagu xiray howlgalka kuwaas oo lagu eedeeyay inay waardiyeynayeen doomaha Iran ee kalluumeysiga sharci darrada ah sameynayay, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ciidanka badda Puntland, Kornayl Cabdirsaaq Diiriye Faarax.

Isagoo la hadlayay weriyeyaal ku sugan Boosaaso, Kornayl Cabdirsaaq wuxuu sheegay in rasaas la is waydaarsaday balse aaney sababin wax khasaare ah.

Wuxuu sheegay inay ku guuleysteen inay qabtaan 12-ka nin iyo hubkii ay siteen oo isugu jiray qoryaha AK 47 iyo G3.

Taliyaha ayaa ku eedeeyay doomaha kalluumeysiga Iran inay waxyeello ba’an u geystaan doomaha kalluumeysiga ee dadka deegaanka, wuxuuna ballanqaaday in ciidankiisa ay sii wadi doonaan howlgallada lagu ciribtirayo kalluumeysiga sharci darrada ee biyaha Puntland.

Maxamed Cabdi Cismaan oo ah guddoomiyaha iskaashatada kalluumeysatada gobolka Bari ayaa soo dhoweeyay howlgalka, wuxuuna sheegay inay mag-dhaw ka doonayaan kalluumeysatada reer Iran.

Ciidanka badda ee Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sameeyay howlgallo kan la mid ah oo lagu baacsanayo kalluumeysatada sharci darrada ah.

SDN-Boosaaso

DSC03562-21DSC03565 DSC03566 DSC03570 DSC03571 DSC03580 DSC03583 DSC03584

Comments are closed