Ciimada Badda ee Puntland oo afduubtay Markab ku xidhnaa Bosaaso
Bosaaso Dec 20,2012(SDN)-Ciidamada badda ee Puntlanad ayaa dekeda magaalada Bosaaso ka afduubtay markab ay gaadh ka hayeen oo laga leeyahay dalka Woqooyiga Kuuriya.
Dawlada Maamul Goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa Markabka MV Daesan qabatay ka dib kolkii uu badda ku qubay Sibidh ama shamiito uu u siday ganacsato reer Muqdisho ah.
Sibidhka oo qoyanaa kolkii Muqdisho la gaarsiiyay awgeed ayay ganacsatadii u diiday in ay u iibsadaan.
Ciidamada ayaa Markabka u kexeystay meel aan sidaa uga sii fogeyn dekedda magaalada Bosaaso.
Dawlada Puntland ayaa haatan wada qorshe ay ku soo furaneyso markabkan gacteeda lagala baxay.
Waa markii u horeysay ee markab lagu afduubto xaabaha Soomaalida lixdii bilood ee ina dhaafay.
SDN-Bosaso
contact@somalidiasporanews.com