|

Ciidankii Ka Gadoodka Dawlada Punt land oo Dib ugu Noqday Garowe iyo Balanqaadyo aan dhamaystirnayn oo sameeyay

Garowe 10.July 2015 (SDN/QJ)- Xilli badi shaqaalaha Dowladda Puntland ka cabanayaan mushahar la’aan, ayaa waxaa shalay magaalada Garowe soo gaarey ciidamo gadoodsan oo kasoo baxay fariisimihii ay horay ugu sugnaayeen.

ciidankii gadoodayCiidamada ugu badan ayaa kasoo guurey fariisin ay ku lahaayeen duleedka Garowe ee dhanka magaalada Laascaanood xiga.

Waxaa sidoo kale soo gadoodey qaar kamid ah ciidamadii ku sugnaa deegaanka Qarxis ee ay is hor fadhiyeen ciidanka Gen. Muxiyadiin.

Askarta ayaa dalbanaya in xuquuqdooda la siiyo, maadaama aysan muddo afar bilood  mushahar qaadan.

Mas’uuliyiin dowladda ka tisran oo isugu jira wasiirro iyo saraakiil ciidan ayaa ku hawlan sidii ciidamadaas loogu qancin lahaa inay dib ugu noqdaan goobihii ay soo banneeyeen.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dowladdu ballan qaadey inay bixin doonto kala bar xuquuqda ka maqan shaqaalaha, inta kalena dib laga siin doono.

Cabashada shaqaalaha dowladda ee la xiriirta mushaharaadka ayaa ahayd mid soo jiitamaysey laga soo bilaabo markii ay hoggaanka Puntland la wareegtey xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Comments are closed