Ciidanka Kenya Oo Si Milgaha Siyaasadda Ka Baxsan Xabsiga Ugu Taxaabay Qulsulkii Somalia u fadhiyey Nairobi iyo Siyaasiyiin Kale
Nairobi:April,26,2014 (SDN/QJ)-Bahdilaadda iyo Dhibaatada ay Ciidanka Booliska Kenya ku Hayaan Dadka Somalida ah ee Dalkooda ku sugan ayaa xadhkaga Goosatay, waxana xabsiga la dhigay Siyaasiyiin uu ku jito Qusulka Somalia u fadhiya Nairobi Siyaad Maxamed Shire.
Qunsulka ayaa habeenkii Jimcihii laga Soo qabtay Xaafadda Hellingam ee magaalada Nairobi iyadoo loo dhaadhiciyey dhinaca Saldhigga.
Siyaad ayaa la geeyey saldhiga booliska Kalimaani halkaasi oo su’aalo ay ku weydiiyeen ciidamada kadibna waxaa ay ku xidheen saldhigga, iyagoo garanaya inuu yahay diblomaasi ma tirsan Safaaradda Somalida .
Safirka Soomaaliya u jooga Kenya, Maxamed Cali Ameerika aya dadaal dheer kadib ku guuleystay inuu qunsulka xabsiga ka sii daayo kadib laba saacadood oo uu xidhnaa, waxana uu aad uga cadhooday tallaabada diblomaasiyadda ka baxsan ee ciidanka Kenya ku dhaqmayaan.
Qunsulka ayaa waxaa lala qabtay siyaasiyiin Soomaliyeed oo uu ka mid ahaa maareeyihi hore ee dekeda Muqdisho Siid Cali iyo kuwo kale kuwaas oo wali ku jira gacanta ciidamada.
Ciidamada ayaa la sheegay inay qunsulka ka ka diideen aqoonsigiisa Diblomaasinimo, taasi oo caddeyneysa in Kenya aysan ixtiraameynin xitaa diblomaasiyiinta Soomaaliya.
Madaxa ammaanka safaarada Siyaad Abdi ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga qeybgalay sii deynta qunsulka.
Kenya ayaa dhowaanahan bartilmaameedsaneysay Soomaalida, waxaana la rumeysan yahay in shibanaanta madaxda Soomaalida ee dhacdooyinka ISLII, ay caawisay in iminka madaxdii safaaradda la xidho.
Inta badan shacabka soomaalid ah eek u dhaqan dalka Kenya ayaa si weyn uga niyadjabsan ku noolaanshaha dalka Kenya, waxana ay maalin walba indhahooda ku arkaan falal anshaxa ka baxsan oo ciidanka Kenya ku kacaan Birima-geydada Soomaalida ah ee halkaasi ku dhaqan
SDN/QJ