|

Ciidanka Kenya Oo Duqaymo ay Sameeyeen Ku Dilay Hooyo Soomaaliyeed Iyo 3-Carruur ah Oo ay Dhashay

Garbahaarey:Mar,19,2015(SDN/QJ)-Duqaymo ay geysteen Ciidamada keyanka ah ee Gudaha somalia ku sugan, ayaa wax aka dhashay khasaare ku habsaday Qoys Soomaaliyeed oo ku   Gedo, ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

qeerSida dadka deegaanku warbaahinta u sheegeen, goobaha ciidankau duqeeyeen, waxaa kamid ah   Qayla-Dhaawe, Toblow iyo Garba-joog oo ku yaalla Duleedka Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, waxana Madaafiicdaas ridayey Taangiyo ay ciidanka Kenya leeyihiin.

Hooyada ay carruurta ay dhashay ee geeriyooday, ayaa la sheegayaa inuu aqalkooda Madfac kusoo dhacay, waxana jira shacab kale oo dhibaato badani kasoo gaadhay duqaymahaas.

Dadka Deegaanada la duqeeyay ayaa sheegay in Al shabaab aanay ku sugneyn Goobahaasi, oo ay Ciidanka si micno la’aan ah oo arxan darro ah Maatida u leynayso iyadoo u aar-gudeysa dadkii Al shabaab uga dileen Weeraradi dhawaan ka dhacay Waqooyiga Bari ee Kenya.

Ciidanka Kenya ee ku sugan Jubbooyinka iyo Gedo ayaa Joogteynaya Weerarada dhanka Cirka iyo Dhulka ah ee ay ku garaacayaan Goobaha Shacabka ay degan yihiin, iyagoo ku andacoonaya inay All shabaab ku bartilmaameedsanayaan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed