|

Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Punt land oo Tababar Noociisu ku Cusub yahay loo furay {DHAGAYSO}

Garowe 04.Sep 2014 (SDN/QJ)- Ugu yaraan 40 askari oo katirsan ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa maanta loo furay tababar ku saabsan qaabka la isaga ilaalinkaro oo looga hortagi karo xanuunka dilaaga ah ee HIV/Aids.

 

Tababarkaan oo socondoono muddo labo maalin ah ayaa ciidamada la baridoonaa macluumaad badan oo ku saabsan xanuunkaan iyo halistiisa. Waxaana uu ka furmay xarunta madaxtooyada.

 

Ururka maxaliga ah ee Kaalo oo kaashanaya Xafiiska mashaariicda ee madaxtooyada Puntland ayaa fulinaya tababarkaan. Wuxuuna qeyb ka yahay tababaro la siindoono ciidamada oo ku saabsan wacyi galinta cudurada faafa ee loo yaqaan S.T.I.

 

DSC_0042Maryan Salaad Weyrax oo ah maamulaha mashruuca ka hortaga faafitaanka Aids-ka ee ururka Kaalo, ayaa sheegtay 10-kii  sano ee lasoo dhaafay inay Kaalo ka shaqeynaysay la dagaalanka faafitaanka xanuunka H.I.V Aids iyo cudurada kale ee la isku qaadsiiyo galmada.

 

Waxay sheegtay bartilmaameedkoodu inuu yahay in la gaaro 1700 qof oo u badan ciidamada iyadoona sheegtay muhiimadu inay tahay in ciidamadu fahmaan cudurada uu kamid yahay Aids-ka.

 

Taliyaha ciidanka madaxtooyada dowlada Puntland gaashaanle sare Cabdi Rashiid Qodhob ayaa soo dhaweeyay tababarkaan wuxuuna ka codsaday Kaalo inay kor uqaadaan barnaamijyada caynkaan oo kale ah maadaama baahidu badan tahay.

 

Agaasimaha mashaariicda madaxtooyada dowlada Puntland Cabdi Qani Faarax Dhaashane oo ka hadlay tababarkaan ayaa sheegay inay ka go’antahay in ciidamada kor loogu qaado aqoontooda iyo wacyi galintooda ku saabsan cudurada faafa.

 

Dhaashane wuxuu sheegay haddii aan ciidanka caafimaadkooda laga fekerin , la tayayn, waxbarashadooda laga fekerin, horumarkooda laga fekerin inaysan dowladu waxqabadkeeda ahayn midkii laga sugayay.

 

Wuxuu sheegay inaysan muhiimadu ahayn in ciidanka la xasuusto marka dagaalka la galayo oo kaliya ama amnigu xumaado balse wuxuu sheegay muhiimadu inay tahay in  mar walba laga warqabo oo ay kaalinta koowaad ka galaan horumarka dalka.

 

Waxaa uu Dhaashane ciidanka ugu bishaareeyay inay helidoonaan adeegyo lagu hormarinayo nolashadooda iyo tababaro kale oo ay balanqaadeen hay’ado kale. Wuxuuna umahad celiyay ururka Kaalo.

Waa tababarkii ugu horeeyay ee loo qabto ciidamada madaxtooyada Puntland sanadkaan waxaana uu kusoo beegmayaa iyadoo ay ciidamadu u baahnaayeen tababarkaan.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO NOOCA TABABARKAN

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Ciidan04s.mp3″]
Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed