|

Ciidanka Booliska Somalia Oo Xabsiga Dhigay 15-nin Oo Ka Tirsan Firqo-diimeedda Takfiirka

Muqdisho:08-April-2014 (SDN)-Ciidanka Ammaanka Somalia, ayaa Hawlgallo ay Habeenkii Xalay Ka Sameeyeen Magaalada Muqdisho ku soo Qabqabtay 15-Ruux oo ka mid ah Firqo-diimeedda Takfiirka loo yaqaano.

dnSalaaddii Cishaha kadib ee xalay, ayaa raggaan laga soo qab qabtay Masaajidka Sheekh Xasan Eebow, oo ku yaala Degmada Kaaraan, gaar ahaan agagaaraha Isgoyska Kaaraan.

Xadhigooda, ayaa ka dambeeyay markii Maamulka Degmada Kaaraan lagu wargeliyay in kooxo ka tirsan Urur Diimeedka Takfiir, ay muddooyinkan dambe ku soo badanayeen Masaajidka Sheekh Xasan Eebow, taasina ay keentay in Tallaabadan la qaado.

Ciidamada Booliska oo tagey Masaajidka, ayaa waxaa u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan ilaa 15 nin, oo uu ku jiro Imaamkii Masaajidka oo magaciisa lagu sheegay Daahir Xasan Eebow.

Daahir, ayaa waxaa dhalay Wadaadkii loogu magac-daray Masaajidka laga soo qabtay, waxaana lagu xidhay Saldhiga Booliska ee Degmada Kaaraan.

Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Maamulka Degmada Kaaraan uu dib xoriyadooda u siiyay dadkii lala soo qab qabtay Daahir Xasan Eebow, laakiin uu isagu xidhan yahay.

Dadka reer Kaaraan, ayaa soo sheegaaya in ragga ka tirsan Urur Diimeedka Taftiirka, aynaan waqtiyada Salaadaha la tukan jirin dadka Masaajidka u soo xaadira, in si wada jir ah ay ugu tukadaan.

Gudoomiyaha cusub ee Degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxoow, ayaan ka hadlin hawlgalka lagu soo qab qabtay xubnaha ka midka ah Urur Diimeedka Takfiir.

Ciidamada Dowladda, ayaa xilliyada qaarkood Magaalada Muqdisho ka fuliya hawlgal ka dhan ah xubnaha ka midka ah Urur Diimeedka Takfiir.

Urur diimeedka Takfiirka ayaa ah mid aan inta Badan laga Soo Dhaweynin meelaha Soomaalidu Deggen tahay, waxana lagu Eedeeyaa inay si weyn wax uga Beddeleen Qoddob muhiim ah oo Diinta Islaamka Halbawle u ah.

 

S.D.N

 Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed