Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Saddex qof oo looga shaki qabo weerarkii lagu dhaawacay Haweeneydii Sweden
Muqdisho 22.Aug 2013 (SDN)- Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa Maanta sheegay in ay xireen saddex qof oo ay ku tuhmeen in ay qeyb ka ahaayeen weerarkii shalay lagu dhaawacay haweeneydii Swedishka ee Ann-Margarethe-Livh iyadoo labo qof oo kalena oo mid uu ahaa Somali haystay Baasaboorka Sweden ay ku dhinteen.
“Ilaa iyo hada saddex qof oo la hubbsaday in ay ku lug lahaayeen weerarkii fashilmay ee iskudayda afduubka ahaa ayaa la qabtay, waxaana ku socda baaritaan dheeraad ah” sidaasi waxaa yiri Afhayeenka xafiiska Ra,iisulwasaarah Ridwan Xaji Abdiweli.
Waxa uu intaasi ku daray in Cidamada nabad sugida ay baadi goobayaan labo kale oo la aaminsan yahay in ay ahaayeen maskaxda ka dambeysay weerarkasi.
Ninka Soomaaliga ah ee haystay dhalashada Sweden ayaa ka tirsanaa xisbiga garabka bidix ee Sweden, waxaana hada uu la shaqeynayay mashruuca demuqraadiyeynta Soomaaliya, halka qofka kale ee ku dhintayna uu ahaa waardiye.
Ann-Margarethe-Livh oo dhaawaceeda uusan aheyn mid halis ah ayaa madax u ah xispiga garabka bidix ee Magaalada Stockholm, sida la aaminsan yahay waxaa la rabay in la afduubto hase yeeshee waa lagu guuldaraystay sidaas ayayna ku dhaawacan tahay.
Waxaa marka hore loola cararay isbitaalka Amisom ee Muqdisho halka markii dambe loo sii gudbiyay Magaalada Nairobi oo hada lagu dhaweynaayo.
Muqdisho SDN.