|

Ciidanka AMISOM iyo Kuwa Dawladda Somalia Oo Kaabiga u Saaran Deegaanka Qoryoolay iyo Shacabkii Oo Qax Bilaabay

Qoryooley:22-March-2014(SDN)-Ciidanka Amisom iyo kuwa Dawladda Federalka ayaa Saaka u ruqaansaday Dhinaca Degmada Qoryoolay ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay Kooxda Shabaabku Gacanta Ku Hayso.

qoryShacabka Deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay Bilaabeen inay Halkaas iskaga Qaxaan, waxana Jira Diyaargarow Ballaadhan oo Kooxda Shabaab ay ugu jirto Difaaca Degmadan.

Saraakiisha ugu sarreysa Xarakada Alshabaab ayaa ka sii baxaya Qoryooley waxase Halkaas ku Sugan Dagaalyahanadeeda Kale, waxana laga Baqe Qabaa inuu Halkaas Dagaal ka Qarxo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen ciidamo badan oo ku socda degmada Qoryooley ee gobalka Shabeellaha Hoose halkaasoo iminka ay maamulaan Alshabaab kana mid ah degmooyinka ay muddo maamulayeen Alshabaab.

Sida ay sheegayaan wararka aanu Helayno ayaa sheegaya in ciidanka Huwanta ahi ay Masaafo Aan ka badnayn Shan Kiiloo mitir u jiraa Deegaankaas, waxana sii Badanaysa Cabsida ay dadka Halkaas wali ku sugan ee Shacabka ahi ay qabaan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed