|

Ciidanka Amaanka Kiinya oo weeraray Al Shabaab

Garissa July 31, 2024 (QJ) -Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanka Kenya ay maanta ka fuliyeen nawaaxiga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa weerar culus ku qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay inay weerar ku qaadaan deegaanka Alango, oo ku yaala wadada isku xirta Gaarisa iyo Dhadhaab ee ismaamulka Garissa.

Saraakiisha amaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan dagaalyahanada weerarka soo qaadayay, islamarkaana ay ka hortageen weerarka, xilli dagaalyahanada ay diyaarinayeen.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in goobta ay ku dileen labo ka mid ah Al-Shabaab, halka kuwii kale ay baxsadeen, inkastoo dhaawac uu soo gaaray.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay labo qori oo AK47 ah, todobo majalad, agabyo qarxa iyo qalab kale oo kala duwan.

Xaaladda ayaa hadda degan, balse ciidamada ammaanka Kenya ayaa howlgallo ballaaran ka wada nawaaxiga magaalada Gaarisa, iyagoo baadi goobaya raggii ka tirsanaa Al-Shabaab ee goobta ka baxsaday.

Comments are closed