“Ciidan u isku hallaynayey(Cali Khaliif ) oo uu lahaa ciidanbaad abuurtay toban daqiiqo laguma qaadan intii kabaha la ga saarayey,” Taliye Shaqalle
Saax-dheer:Aug,28,2014(SDN/QJ)-Taliyaha Guud ee Ciidanka qaranka somaliand Sarreeyo Guuto Ismaaciil Shaqalle ayaa ka Hadlay Weerar ciidanka qaranku saaka ku qaadeen Deegaanka Saax-dheer oo la doonayey in Cali Khaliif lagu caleemo saaro.
Taliye Shaqalle oo u warrameyey Idaacadda Radio Hargeysa, ayaa sheegay inay ciidanka qaranku cagta mariyeen Maleeshiyo isku urursatay deegaankaas, isla-markaana ay la wareegeen Goobtaas oo khaatumo hore u joogtay.
Taliyaha ayaa sheegay in daqiiqado gudahood uu ciidankiisu ku jiidhay Ciidankii ilaalada u ahaa Cali Khaliif, isla-markaana ay Maxaabiis badan gacanta ku hayaan,
“ilaahay fadligii saaka shantii iyo badhkii ayaa cutubyo ciidanka ka tirsan hawlagal ka bilaabeen Deegaanka Saax-dheer. ciidan u isku hallaynayey Cali Khaliif oo uu lahaa ciidanbaad abuurtay toban daqiiqo laguma qaadan intii kabaha la ga saarayey, isaga iyo intii la socotay waxay noqdeen wax cararay iyo Wax Yaabay.” Ayuu yidhi Taliye Shaqalle.
Taliyaha ayaa intaas ku daray inay Hubaan in Cali Khaliif iyo koox kale oo la socotay ay Gudaha u galeen ugu yaraan 30-KM, waxana uu tilmaamay inay ciidanku haatan si buuxda gacanta ugu hayaan Deegaankaas oo dhan isla-markaana aan mar dambe kooxdaasi u soo dhawaan Karin.
Wararku waxa ay sheegayaan in Cali Khaliif iyo koox uu watay gudaha u galeen dhinaca Ethiopia, iyadoo ilaa iyo Haatanna aanay saraakiishii khaatumo si toos ah ula Hadlin Warbaahinta kala duwan.
SDN/Q
timo@Qurbejoog.com