Ciidamo Tiro Badan Oo Muslimiin Ah Oo Ka Baxay Ciidanka Dalka Kenya
Nairobi,30,7,2016 (QJ/SDN) – Warar qaar ka tirsan warbaahinta gudaha Kenya ay qoreyso ayaa sheegaya in boqolaal askari oo Muslimiin ah ay iskaga baxeen ciidamada Kenya ee KDF shantii sano ee lasoo dhaafay.
Wararkaa ayaa sheegaya in ay waraaqo iscasilaad ah soo gudbiyeen amaba aysan soo gudbine ay isga baxeen iyagoon ogeysiis xataa dhiibin. Waxay sheegeen in xaaladaha shaqo ama daruufaha shaqo ee KDF ay ku adkaadeen.
Qaar ayaa sheegay in walbahaar badan ay kala kulmeen shaqadii ciidamada iyo in marmar si been abuur ah loogu eedeeyo in Al-Shabaabka ay dagaalka kula jireen ayba taabacsan yihiin.
In badan oo ka mid ah ayaa warbaahintu sheegtay in laamaha sirdoonka ee dawlada Kenya ay aad dhaqdhaqaaqooda ula socdeen-waa saraakiil u badan Muslimiin lagu eedeeyay inay xarumaha ammaanka xagjirnimo ka wadeen.
Wargeyska ‘The Star’ oo aan warkaan kasoo xiganay maanta ayaa sheegay inuu aad u ogaanaayo cadho qotto dheer iyo kala shaki soo kala dhex galay saraakiisha darajooyinka hoose iyo kuwa sarsare.
Dadka arimaha ammaanka qaadaa dhiga ayaa ugu yeedhay arinkaa sidii inuu yahay “bambo sugeysa waqti waqtigaas oo kadib ay qarxi karto”.
‘iyagu naguma kalsoona’. Sidaa ayuu u sheegay mid ka mid ah saraakiisha iscasilay. ‘Waad ogtahay saaxiiboow in dalkaan dhiiranaan aanu ugu adeegno. Laakiin waa arin qalbi jab leh hadii lagugu dhajiyo astaan ah inaad tahay qof ujanjeedha argagixisonimo iyo cadaw daakhili ah’. Intaa ayuu raaciyay.
“Taliyeyaasha militarigu naguma kalsoonaan karaan intaan wixii ka badan. Mar waxaa dhacday in naloo diray magaalo xadka kutaala si aan u baacsano Al-Shabaab. Laakiin afar kale iyo aniga ayaa Nairobi nalookugu yeedhay iyadoon wax sharraxaad ah laga bixin,” intaana wuu raaciyay.
Kadib ayay ogaadeen in loosoo celiyay “inaysan shaqada u qaban karayn si habboon” darteed.
Wargeyska The Star wuxuu warbixintiisa uu saaka qoray ku sheegay in markii lala xidhiidhay afhayeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Njoka Mwenda uu codsaday waqti dheeraad ah oo uu ku soo jawaabo.
Xigasho: Hiiraan
Galool Media, News Desk