Ciidamo Somali ah oo Kenya soo tababartay oo gaaray gobolka Gedo
Baladxaawo Dec 08, 2012 (SDN)—Ciidamo la sheegay in dowlada Somalia loogu soo tababaray gudaha dalka Kenya ayaa soo gaaray degaano ka tirsan gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada iyo milateriga Kenya.
Wararku waxay sheegayaan in degaanada ay ciidamadan cusub gaareen ay ka mid yihiin yihiin Buusaar, Dhamase iyo Ceel-cadde oo dhamaantood hoos yimaada degmooyinka gobolka Gedo.
Afhayeenka ciidamada dowlada Somalia ee gobolka Gedo Axmed C/llaahi Xirsi ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo hordhac ah ayna maalmaha soo socda soo dhameystirmayaan ka dibna ay howlgeli doonaan gobolka Gedo.
“Si gaar ah ciidamadan cusub waxaa loogu talo galay iney si deg deg ah gacanta ugu dhigaan degmooyinka Baardheere iyo Buur-dhuubo oo ah labada meelood ee kooxda nabadiidka Al-Shabaab ay gobolka Gedo kaga soo hareen”ayuu intaa ku daray Axmed C/llaahi Xirsi.
Gobolka Gedo ayaa ka mid ah meelaha ay wali ku hardamayaan xoogaga Al-shabaab iyo ciidamada dowlada oo gacan ka helaya kuwo Kenya iyo Itoobiya, waxaana intiisa badan gacanta ku haya ciidamada isgarabsanaya iyadoo Al-shabaabna ay ka joogaan dhowr degaan.
SDN-Baladxaawo