|

Ciidamo Sierra Leone ka socda oo la geeyay deegaano ka tirsan gobolka J/hoose

Kismaayo May 24 2013 (SDN)— Wararka laga helayo gobolka J/hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ee ka soconaya dalka Sierra Leone ayaa bilaabay in ay isku balaariyaan deegano gobolkaasi ka tirsan.

Dad deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo badan oo Sierra Leone ah kana socda AMISOM ay gaareen deegano hoostaga gobolka J/hoose ee Koofurta Soomaaliya.

Ciidamada Sierra Leone deegaanada la geeyay waxaa ka mid ah deegaanka Taabta oo u dhaw degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose halkaasi oo dagaalo ay ka dhacayeen dhawaantan.

Guddoomiyaha deegaanka Taabta ee gobolkaasi Cabdi Nuur Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in ciidamada la geeyay deegaankaasi ay ku qalabeysan yihiin hub casari ah, waxa uuna tilmaamay in ku dhawaad 20 gawaarida gaashaaman ay ku hubeysan yihiin, isagoona xusay in si weyn deegaanka loogu soo dhaweeyay.

Ciidmada Sierra Leone ee halkaasi la geeyay ayaa waxa ay gacan siinayaa kuwa Kenya oo horay u joogay halkaasi.

SDN-Kismaayo

Comments are closed