|

Ciidamo Ruusha oo ka talaabay xadka Ukraine iyo dagaaladii oo dib u curtay

Donetsk Nov 13,2014(SDN/QJ)- Dawlada dalka Ukraine ayaa shaacisay in ciidamo Ruush ahi in ay xadka dalkooda ka soo talaabeen isla markaana ay hub iyo saanadba siiyeen kooxaha falaagada ah ee ka dagaalama bariga dalkaasi.

Midawga Yurub ayaa sidoo kale waxa ay dalka Ruushka ku eedeeyeen in ciidamadoodu ka soo tilaabeen xadka ay la wadaagaan Ukraine isla markaana ay dhici karto in colaadi dib uga curato bariga dalkaasi.

Reer Yurub ayaa sidoo kale waxa ay dalka Ruushka ku booriyeen in ay ciidamadooda dalka Ukraine kala baxaan isla markaana ay joojiyaan taageerada ciidan ee ay u fidiyaan kooxaha jabhada ah.

Dawlada Ruushka ayaa gebi ahaanba daadifeysay warkaas, isla markaana sheegtay in aaney ciidamadeedu ka talaabin, muranka siyaasadeed ee dalka Ukraine ka jirana lagu dhameeyo wadahadal.

Dalka Ukraine barigiisa ayaa waxa ku nool qowmiyado Ruush ah oo doonaya in ay dalkooda dib uGu biiraan, colaada dalkaas ayaa timi ka dib kolkii ay dawlada dalkaasi dhanka reer Galbeedka u janjeersatay.

SDN/QJ- Donetsk

contact@qurbejoog.com

Comments are closed