|

Ciidamo milatari ah oo la geeyay deegaanka Cadaadlay iyo sababta

Hageysa. 17 August, 2022 (QJ)- Xukuumadda Muuse Biixi ayaa ciidamadii ugu badnaa ee abid la geeyo deegaanka Cadaadlay ku daabushay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, kadib xogahii dhanka mucaaradka ee ku aadanaa in shir wada tashi ah lagu qabanayo halkaa.

Qurbejoog ayaa xogta ku heshay in laba guuto laga soo raray dhanka galbeed ee Somaliland iyada oo la dejiyay deegaanka Cadaadley ee bariga, halkaas oo ay degaan beesha ay hayb ahaan kasoo jeedaan hogaamoyayaasha Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe uu shaaciyay in dalka ay ka dhisi doonaan dawlad ku meel gaadh ah oo dalka doorasho gaadhsiisa, taas oo keentay in deegaamo dhawr ah lagu arko ciidamo aan looga baran.
Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa sheegay in shirku Cadaadley ka dhacayo, arintaas oo keentay in indhaha xukuumaddu ku jeedsadaan deegaankaas.
Somaliland waxa ka taagan muran siyaasadeed oo laga cabsi qabo in uu isku dhacyo horseedo.

Comments are closed