Ciidamo ka Tirsan Jab’hada Raas Kambooni oo isu dhiibay Xarakada Alshabaab
Muqdisho 15.Aug 2013 (SDN) Ciidamada Jabhadda Raaskambooni ee markoodii hore ka soo jeeday Jabhadda kale ee Alshabaab ayaa la sheegaya in ciidamo hor u dhac ah oo ka tirsan kuwa Jabhadda Raaskambooni iska xaadiriyeen degaanada ay ku awoodda badan yihiin Alshabaab,waxaana la sheegaya in laba raac iska kala dhiibeen degmadda Baraawe & jasiiradda Raaskambooni.
Kooxdan Jabhadda Argagixisada ah ee Kambooni ka goosatey ayaa la sheegaya in tiradoodu gaareyso 6 askari kuwaasi oo ahaa ciidamadii lagu soo tababaray xeryaha dalka Kiiniya,waxaana la sheegaya in 6 daas askari ka tirsanayeen ciidamadii uu lahaa Ismaaciil Saxardiid oo ciidamada dawlada ka mid ahaan jirey balse markii dambe u degel rogtey Raaskambooni.
Ciidamadan waxay iska dhiibeen Magaalada Baraawe halkaasi oo ay ku xoogan yihiin Argagiixisada kale ee Alshabaab,waxaana la aaminsan yahay inay iska war hayaan Axmed Madoobe iyo ciidamada goostey isla markaasna uu fariiin ugu sii dhiibay Amiirka Alshabaab,iyadoo la sheegayo inuu ka codsanayo in ciidamadiisa oo dhan ay u degel rogon doonaan Alshabaab marka magaalada Kismaayo maamulkeeda lagu warejiyo Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa la sheegaya in tiro badan oo ka tirsanaa ciidamada Axmed Madoobe ee jabhadda Raaskambooni ay iska dhiibeen Jasiirada Raaskambooni halkaasi oo uu gacanta ku wayo wadaadka argagixisada ah ee Shiikh Xasan turki oo isagu ahaa Aas-aasihii Jabhadda Raaskambooni,waxaana ciidamada halkaasi iska dhiibey tiradooda lagu sheegay 20 askari.
Ugu dambeyntii waxaa soo dhawaatey waqtii uu Axmed Madoobe shaatiga uu bedel laahaa isla markaasna uu iclaamin lahaa dagaal ka dhan ah dawlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo dawladda kiiniya oo lagu wado inay maalmaha soo socda dekadda kismaayo iyo garoon ka ku wareejiyaan dawlada federaalka ah,taasi oo Axmed Madoobe ku kalifi doonto inuu dib ugu laabto wixii uu hore u ahaan jirey.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com